DEG-DEG: Puntland oo beenisay Hadalkii Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka, Duur joogta iyo Dalxiiska Dowladda Puntland Dr.Cali C/lahi warsame, (Puntlandes, Gaalkacyo, Puntland, Soomaaliya)

18 2016 (Puntlandes) Dowladda Puntland ayaa waxaa ay ka hadashay warar la isla dhex marayey 24kii saac ee ugu danbeeyey, kuwaas oo sheegayey in ay madaxda Dowladda Puntland iyo maamulka Galmudug ay Colaada Gaalkacyo qodobo ku hishiiyeen.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka, Duur joogta iyo Dalxiiska Dowladda Puntland Dr.Cali C/lahi warsame, (Puntlandes, Gaalkacyo, Puntland, Soomaaliya)
Wasiirka wasaaradda Deegaanka, Duur joogta iyo Dalxiiska Dowladda Puntland Dr.Cali C/lahi warsame,
(Puntlandes, Gaalkacyo, Puntland, Soomaaliya)

Wasiirka wasaaradda Deegaanka, Dalxiiska iyo Duurjoogta, Dr. Cali C/lahi Warsame ayaa maanta Saxaafadda u sheegay inaysan jirin wax wadahadal ah oo haatan furmay, Wasiirka ayaa sheegay in aysan wali Puntland guddi u saarin arinta Gaalkacyo, waloow uu albaabka wada hadalku furan yahay.

Wasiirka ayaa waxaa uu intaas ku daray, in ay Puntland ka go’antahay in xal waara loo helo arinta soo laalaabatay ee Magaalaadda Gaalkacyo, waxaana uu sheegay in ay Puntland doonayso in arinka Gaalkacyo ay ka wada xaajoodaan dadka ehelka u ah oo ay ka mid yihiin Nabadoonada, Odoyaasha, Culimaaäudiinka iyo Waxgaradka labada dhinac.

Wasiir Dr. Cali ayaa si cad u sheegay inaysan Puntland doonayn in Wada hadalada laga gooyo meelo kale ayna gooyaan dad aan ehel u ahayn Magaalada iyo Gobolka oo dano Siyaasadeed ama kuwo kale ka leh.

Wasiirka ayaa sidoo kale fariin u diray dadka ka qaxaya magaaladda Gaalkacyo, waxaana uu sheegay in aysan dadku qaxa ku dag dagin, maadaama dhibaatada kasoo gaaraysaa ay ka badan tahay midda ay ka qaxayaan.

 

Dhagayso hadalkii wasiirka oo dhamaystiran.

Puntlandes.com

About The Author