Daawo Video: Siyaasi C/qani Orhaye “Madaxda DFS waxaa waqtigu uga lumay la dagaalanka Federaalka”

19 2016 (Puntlandes) Siyaasi Cabdiqani Cabdi Jaamac Orhaye oo soo ahaa Wasiirka Madaxtooyadda Jubaland iminkana ah la taliyaha Xafiiska Raysul wasaaraha DFS isla markaasna ah Musharax u taagan ka mid noqoshada Aaqlka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya xubnaha ka imaanaya Gobolka Mudug oo waraysi siiyey PLTV ayaa sheegay in madaxda DFS ay 4 tii sano ee loo daartay inay dalka gaarsiiyaan Doorasho ku salaysan in Qof codeeyo ay waqtigodii ku lumiyeen la dagaalanka Federaalka.
231-7a4
Siyaasi Cabdiqani ayaa yiri isagoo ka hadlaya arintaas “Madaxda DFS waxaa waqtigu uga lumay la dagaalanka Federaalka iyo Federaal diid”

Musharax Cabdiqani oo u taagan ka mid noqoshada Aaqlka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay oo shacabka usoo bandhigay Aqoontiisa, shaqooyinka uusoo qabtay ama waayo aragnimadiisa iyo waxqabadkiisa intaba.

Daawo waraysiga Siyaasi Cabdiqani

Puntlandes.com

About The Author