Dhagayso: Alshabaab oo wali haysata degmada Afgooye & khasaaraha dagaalkii

19 2016 (Puntlandes) Xaalada degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa saaka degan ka dib markii shalay galab uu ka dhacay dagaal aad u culus oo dhexmaray ciidamada dowlada iyo Alshabaab oo soo weeraray.

231-5e4
Dagaalkii shalay ka dhacay Afgooye ayaa waxaa ku dhintay inta la xaqiijiyey toban ruux oo isugu jiray shacab iyo dhinacyadii dagaalamay, waxaana la xaqiijyey in dadka geeriyooday ay ku jiraan saraakiil iyo maasuuliyiin ka tirsan maamulka koonfur galbeed Somalia.
Dadka dagaalkan ku geeriyooday ayaa waxaa ka mid ah, Taliyihii ciidanka asluubta ee degmada Afgooye C/qaadir Maskiinow, G/Dhexe Axmed C/qaadir Gorod oo ka mid ahaa Saraakiisha Xoogga dalka Soomaliyeed iyo Maxamed Daahir Qooley oo ahaa isku Duwihii Maaliyada Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhagayso warbixin uu ka diyaariyey Radio Daljir


Puntlandes.com

About The Author