Musharixiinta Aqalka Sare u tartamaya Puntland oo maanta Khudbado Ka jeedinaya Barlamaanka

19 2016 (Puntlandes) Xarunta Baarlamaanka dowladda Puntland ee magaalada Garoowe ayaa saaka waxaa ka jeedin doona khudbado Musharixiinta u tartamaya xubinimada Aqalka Sare ee Soomaaliya.

231-6d1

Marka laga yimaado labo xubnood oo tanaasuley dhammaan xubnihii uu dhowaan magacaabay madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa lafilayaa inay jeediyaan khudbadohooda.

Xubnaha u tartamaya xubinimada ayaa waxaa kamid ah raysul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, inkastoo uu ka maqan yahay Garowe isagoo u duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Puntlandes.com

About The Author