Cabdi Qaybdiid oo Hub, Ciidan & Saanad looga soo diray Muqdisho maanta la imaanaya Koonfurta Gaalkacyo

20 okt 2016 (Puntlandes) Warar aad loogu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya in Gen Cabdi Qaybdiid oo caan ku ah Colaad hurinta iyo Xasuuq Shacab uu kusoo wajahan yahay maanta Xaafadda baraxleey ee koonfurta magaalada Gaalkacyo oo uu ka ka arimiyi maamulka Galmudug.

231-6e4

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay inuu Cabdi Qaybdiid la imaan doono koonfurta Gaalkacyo Hub, Ciidan iyo Saanad Ciidan oo uu ka helay madaxweynaha Xilkiisu dhamaaday ee DFS Xasan Sheekh.

Labadii maalmood u dambaysay waxaa magaalada Cadaado ka degayey Diyaarado sida Hub, Ciidan iyo Saanad Ciidan ay DFS usoo dirtay in lagu weeraro magaalada Gaalkacyo dhanaka Puntland.

Magaalada Gaalkacyo ayaa labadii todobaad ee u dambaysay waxaa ka taagnaa Colaad ay hurinayso DFS, Cabdi Qeybdiid na uu Garwadeen uga yahay iyadoo dano siyaasadeed ka leh Colaada Gobolka Mudug.

Maamulka Puntland ayaa Diiday wada-hadal iyo Wada-xaajood ay la galaan maamulka Galmuudg,balse lama Oga halka Xaalka Ku Danbeendoono.

Puntlandes.com

About The Author