Barlamaanka Puntland oo maanta dooranaya xubnaha aqalka sare

20 okt 2016 (Puntlandes) Baarlamaanka dawlada Puntland ayaa fadhigiisa yahay Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa maanta waxaa ka dhacaysa Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya kasoo gelaya deegaamada Puntland.

231-6d1

Doorashada oo mudo la sugayey waxaa ka qaybgeli doona Raysul Wasaaraha xukuumaddii mudo xileedkeedu dhamaaday ee DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo kamid ah musharixiinta Aqalka Sare.

RW Cumar ayaan ku jirin Musharixiintii shalay ka hor jeediyey Khudbadaha Baarlamaanka dawlada Puntland, isagoo safar ugu maqnaa magaalada nairobo ee dalka Kenya. RW Cumar ayaa garowe dshalay gabal gaabkii dib ugu soo noqday si uu maanta uga qayb galo Tartanka isagoo ka mid ah dadka aan shaakigu ku jirin in la dooran doono.

Maanta gelinka dambe ayaa lagu wadaa in guud ahaan doorashada lasoo gabagabeeyo iyadoona ay xubnaha kala saari doonaan mudanayaasha Baarlamaanka Puntland.

Kala soco wararka Doorashada Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author