Gaalkacyo: xaaladda magaaladda iyo Dagaal Saaka qarxay

Magaaladda Gaalkacyo ayaa saaka waxaa ka qarxay dagaal xoogan, dagaalka ayaa ka qaxay jiida hore ee koon fur galbeed Gaalkacyo.

Dagaalka oo qaab safayn ah u Qarxay ayaa waxaa la isu adeegsanayaa madaafiicda goobta iyo lidka diyaaradaha, dagaalka ayaa sii durkaya, xabadduna waxaa ay ka socotaa Koonfur galbeed.

Dagaalka ayaa kusoo aadaya iyada oo ay bur burtay waan waan ka dhex socotay labada dhinac, mana jirto ilaa hadda cid si rasmi ah uga war bixin karta Khasaaraha dagaala, inta naloo xaqiijiyey ilaa hadda wax khasaare nafeed ah lama soo sheegin mana jiraan dhaawacyo la keenay Goobaha caafimaadka ee dhinaca Puntland.

About The Author