Xubnaha Aqalka Sare ee Galmudug oo uu jiro Dagaaöl Ooge cabdi qaybdiid oo Dagaallada Gaalkacyo ka hadlay

20 okt 2016 (Puntlandes) Xubnaha Aqalka Sare ee dhawaantan uu soo Doortay Baarlamaanka maamulka Galmudug uuna ka mid yahay DAGAAL OOGE Cabdi Qaybdiid ayaa kasoo saaray Maanta War-saxaafadeed Colaada ay iska kaashadeen hurinteeda Xasan Sheekh iyo Cadaado ee lagu soo qaaday dawlada iyo shacabka Puntland ee Gobolka Mudug.

231-6e4

Dhanka kale maanta ayaa waxaa Cadaado ka dhacay Shir uu soo abaabulay  DAGAAL OOGE Cabdi Qaybdiid oo ay kasoo qayb galeen odoyaal taageersan Colaada uu wax ka hurinayo  DAGAAL OOGE Cabdi Qaybdiid.

Dhagayso Nabadoon Cilm Xasan oo ka mid ahaa odoyaashii uu soo abaabulay  DAGAAL OOGE Cabdi Qaybdiid iyo waxa uu u soo dhiibay Cabdi Qaybdiid


War-saxaafadeedka ayaa wuxuu u qornaa sidan:

Mudanayaasha Aqalka Sare ee dhawaan laga soo doortay Dowlad-goboleedka Galmudug, waxay ayagoo aad uga xun walaac ka muujinayaan dagaalada soo noqnoqday ee ka soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo ee dadka walaalaha ah ee deeganadaas ku wada nool u dhexeeya.

Waxaan aad uga xunnahay dhibaatooyinka dagaaladaas ka dhashay ee isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac, but-bur hantiyeed iyo colaad gaamurta oo kala dhex-gasha dadweynaha walaalaha ee ood-wadaagga ah, iyadoo aan aaminsan-nahay in horumarka deegaanadaas ka Jira uusan ahayn mid xamili kara colaad hor leh oo halkaas ka dilaacda.

Mudanayaasha Aqalka Sare, waxay hogaamiyaasha Maamullada Galmudug iyo Puntland ugu baaqayaan in kaalin muuqata ay ka qaataan joojinta dirirtaas, ayagoo u turaya dadka danyarta ah ee Gaalkacyo ku nool, annagoo ku baaqayna in dib loo hawlgaliyo guddiyadii wada-hadalka labada maamul ee la dhisay dabayaaqadii sanadkii hore.

Dhanka kale, Waxaan Waxgaradka, culumaa’udiinka iyo shacabka reer Galkacyood ugu baaqaynaa in Dadaal xooggan lagu bixiyo sidii Dagaalladaas loo joojin lahaa, loona kala qaadi lahaa ciidamada is-horfadhiya, sababna loogu noqon lahaa nabad waarta oo halkaas ka dhalata.

Ugu danbeyn, Waxaan Beesha Caalamka, Dawladda Dhexe iyo Maamulada Puntland iyo Galmudug ugu baaqaynaa in gurmad iyo taakulayn loo fidiyo dadkii Dagaalladaas ku soo barakacay iyo dhaawacyada ka dhashay dagaaladaas.

Mudanayaasha Aqalka Sare ee laga soo doortay Galmudug, Dhiggooda Puntland waxay ku casuumayaan in si wadajir ah looga hawlgalo xal u helida dhibaatooyinkaas iyo nabadeynta dadka walaalaha ah.

Puntlandes.com

About The Author