Wax ka ogow: Xasan Sheikh sidee Madaxwayne ku noqday,goormuuse noqday?

Sanadkii 1987dii,  ayaa nin la yiraahdo  Cabdi-Daahir Diiriye oo kasoo jeeda beesha Abgaal, dowladdu  waxbarasho  Ameerika  ugu dirtay. 1991dii, ayuu ka soo qalin jebiyey dalkaas, wuxuuna soo bartay  Cilmiga  siyaasadda(Political   Science).  Waxaa kulmay isagoo Nairoobi  yimid iyo dagaalkii fitnada ahaa  ee 1991kii.  Cabdi-Daahir wuxuu  ku negaadey  Nairoobi, wuxuuna muddo ka dib  halkaas  ka furay  urur uu ku magacaabay Sama-fal.

Xafiiskiisa gabar aanan magaceeda hayn, ayuu shaqaale uga dhigay. Cabdi-Daahir, gaari ma lahayn, balse wuxuu  ku shaqeysan jirey mid uu leeyahay  wiil Soomaali Keenyaan ah  oo aanan magaciisa sheegayn kaas oo uu ka  ijaarto markuu u baahdo, wuxuuna siiyaa lacag u dhiganta 200, oo doollar.

231-7b

Cabdi-Daahir, waxay is-barteen  Xasan Sheikh oo isna lahaa urur  samo- fal iyo Cabdul-Qaadir Yaxye,  (Murursade) waa ninkii Maxkamaduhu habeen Muqdisho gurigiisa ku dileen ka dibna baarteen kombiyuutarka. Saddexdaas  nin waxay basaasiin  u ahaayeen   urur  qalaad oo sir-doon ah, waxayna ka qaadan jireen lacag aanan  tiradeeda hayn. Ciidmadadii Maraykanka oo Muqdisho soo galay, Cabdi-Daahir af-celiye bay u soo kaxaysteen  markay bexeenna waa ka yar dambeeyey.

Maalin goor barqadii ah,Cabdi-Daahir, wiilkii ayuu  u yeeray, wuxuuna ka codsaday inuusan caawa seexan markuu doonana  diyaar  u yahay, wuxuuna u dhiibey buqshad aan xirnayn.  Wiilkii oo ka tegey buqshaddii, ayuu furay, mise waxaa ugu jira  1,000  doollar.  Isaga oo farxay  markiiba suuqa ayuu ku orday  kana soo iibsadey  Qaad (Jaat)  heeganna  soo jeed u galay  ilaa caawa.

Waqtigaasi wuxuu ku beegnaa  markii  Sheikh Axmed,  Sheikh  Xasan iyo Cali Gaas  maamulka hayeen oo iyagoo  is-khilaafay  Kambala (Ugaandha) dhexdhexaadinta  loogu diray, lana siiyey Road  mapka.

Saqdii  dhexe wax yar ka dib,  wiilkii Cabdi-Daahir, ayaa soo wacay, wuxuuna ugu yimid  xafiiskiisa.  Cabdi Daahir,teleefoon ayuu qabsaday, isagoo ku hadlaya  afka Ingiriisiga,wuxuuna   yiri, “  Diyaar baan ahaye, xaggee  idiin ku imaadaa?”

Waxaa loogu jawaabey xafiiska noogu  imoow  teleefoon baan kugu hagaynaaye. Wiilkii gaarigii, ayuu sii waday, wuxuuna gees maray  suuqa la yiraahdo (West  Gete oo waa dhexdaas ah qarxiyeen nimanka  afka duuban.

Socod dheer ka dib, wiilkii  wuxuu gaarigii  soo hor taagey  dhisme aad u baaxad weyn, waxaana hor taagan  saddex nin caddaan ah kuwaasoo  gashan dharkaan rasaastu  karin, waxaana afar ku ah  ey  askeri ah xoogna weyn.

Gaarigii gudaha, ayaa la geliyey, waxaana ka soo degey  Cabdi-Daahir, waxaana si diiran  u soo dhoweeyey  niman xafiis ka soo baxay.  Wiilkii oo gaarigii ka degtey waa la baaray  gaarigiina eygii ayaa baaray.  Cabdi-Daahir, gudaha ayaa lageliyey ,wiilkiina waxaa loo tilmaamay inuu galo  albaab riixan waxna ka cuno. Hadduu galay, waa  qol aad u weyn, waxaana safan  miisado korkoodana waxaa ka buuxa  raashin iyo cabbitaanka fudud. Meel gadaale waxaa fadhiya nin dhallin  yar Keenyaan ah. Wiilkii oo cabbitaan qaatay, wuxuu u tegey kii fadhiyey wuuna salaamay ka dibna ku yiri,

“Meeshaan maxay tahay?”

Wuxuu  ugu jawaabey,”Sow Nairoobi  ma deganid?”

“Haa, waan deganahay.”

“Haddaas  sidee meeshaan u garanweydey?”

“Hadda ka hor ma arag.”

“Meeshaan waa xafiiska  sirta  Adduunkoo dhan looga taliyo.”

Cabbaar ka dib, waxaa   dibadda ka soo galay  Xasan Sheikh waana la soo dhoweeyey  gudahana la geliyey.  Haddana cabbaar  ka dib, waxaa  soo galay  Jawaari. Markii loo soo baxay  in gudaha la geliyo wuxuu daartay xabbad sigaar ah. markaas ka dibna waxa soo galay nin kale oo Soomaali ah.  Wiilku  Xasan Sheikh  iyo Jawaari waa yiqiiney mase aqoon ninka dambe.  Keenyaanka  iyo wiilka sheekaa dhex martay, wuxuuna sheegay  Keenyaanku  in halkaan caawa lagu diyaarinayo  madaxweynihii Soomaaliya  Sheikh Axmed  ka dib.

Bishii Setember  2012kii, iyadoo lagu jiro  tartankii doorashada madaxweynaha, Xasan Sh, xaaskiisa oo Nairoobi  guri ka deganaa, waa laga saaray, waxaana la geeyey guri dowladeed waxaana la saaray  gaar.

Xasan Sh, oo sano ku dhowaad  xilka hayey  welina  wax ka qaban wixii loo idmay, Hilleri  Kiliton  oo  markaas ahayd wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka, Xasan Sh waxay ku dartay boqolka  qof oo Adduunka ugu hawl karsan.  Waxaan la yaabanahay maxay ku jawaabi lahayd haddii la waydiiyo wuxuu dalkiisa u qabtay.  Halkaas waxaa  ka muuqata  in Xasan Sh  dad kale u adeego.

Afar sano, ayaa Xasan Sh Soomaaliya ka lumiyey  maantana wuxu  u tartamayaa  inuu mar labaad madaxweyne  noqdo lacagna adeegsado  waxqabad la’aanna  kursiga isaga fadhiyo  keliya magac ahaan.  Haddii taasi mar labaad dhacdana, waa guul darro Soomaaliya u soo hoyatey  iyo dib u dhac hor Leh.

Xusuus hadalkii Amiin Caamir  markuu yiri,”Doorashada  Xassan Sheikh la doortay,waa afar sano oo Soomaaliya ka luntay”. Soomaaliyeey afar sano oo kale ha iska luminina.

 

Australia,  Vic  state Victoria, Melbourne.

20/10/2016.

Qormadaan  waxaa diyaariye  Cabdi Aaden

About The Author