Gaalkacyo: Saaka halkee marayaa diryankii madaafiic

Magaaladda Gaalkacyo oo maalmahaan marti u ahayd, dagaalo aan ka go’ayn iyo madaafiic ku cusub dhagaha dadka reer Gaalkacyo, ayaa saaka dagan.

Magaaladda ayaa xaalkeedu caadi kusoo laabanayey maalmihii ugu danbeeyey, maadaama uu dagaalkii ku ururay baadiya koonfur Galbeed Gaalkacyo, halkaas oo diryarka madaafiicda laga maqlo magaaladda gudaheeda, inkasta oo ay madaafiicdu soo gaarto, qaar ka mid ah xaafada Garsoor.

Saaka waxaa la maqlayaa rasaasta yar yar, oo mar mar dhacaysa, iyo qoryaha fud fudud oo is dhaafaya, hase yeeshaa ilaa hadda lama maqlayo wax madaafiic ah, mana jiraan dhaq dhaqaaq ciidan oo dheeri ah, waxaana furan xarumihii ganacsiga iyo suuqyadii.

About The Author