Maqaal: Guul Usoo Hoyatay Golaha Shacabka Puntland Iyo Dhamaan Reer Puntland

Golaha Shacabka ee reer Puntland ayaa maanta waxay soo hoyiyeen laba guulood oo aad u waa weyn. Labada guulood waxay kala yihiin:

1)      Dumarka Punland oo helay 3dii kursi oo ay ahayd inay ka helaan xubnaha Puntland u matalaya Aqalka Sare ee Dawladda Federaalka Soomaaliya. Weliba kii 4aad ayey ku wayeen hal cod oo kaliya. Liiskii ugu horeeyey ee Madaxweyne Gaas u gudbiyey Golaha Shacabka waxaad is oran kartay in loogu talagalay inaan middoodna soo bixin. Waayo mid walba waxaa lagu lifaaqay rag ka tun iyo jeebabba waaweyn. Waase Mahad Ilahay oo taasi ma dhicin.

2)      Mohamed Siciid Xirsi (Morgan) oo looga guulaystay kursigii Aqalka Sare oo u tartanka uugu jiray. Sida dad badani qabaan, Morgan waa nin baal madow kaga jira taariikh Ummadda Soomaaliyeed. Ilaahay ummaddiisa  mararka qaarkood wuxuu u xalaaleeyaa cunida hilibka xayawaanka uu caadiyan ka xaaraantimeeyey, haddii ay jiraan duruufo. Puntland maanta duruufo haysta oo ay dhabarka ugu ridato danbiga iyo dakanada uu Morgan ka galay Ummadda Soomaaliyeed ma jiraan. Waxa uu Mudane Madaxweyne Gaas ku jantay ama ku jeclaaday Jananka, oo uu labo jeer liiska uugu soo daray isaga ayaa maalin maalmaha ka mid ah inoo sheegi doona.

Puntland iyo shacabkeedu kaalin wayn ayey kasoo qaateen kifaaxii Ummadda Somaaliyeed, ha noqoto markii la raadinahayey xornimada Soomaaliyeed iyo 9kii sano oo la haystay nidaamka madaniga ah ee xisbiyada badan. Dabcan nidaamkii milateriga ahaa ee uu madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Barre dhibaatoyin badan ayuu u gaystay deegaanka iyo dadka reer Puntland.

Burburkii ka danbeeyey iyo dagaaladii sokeeye iyaguna dhaawac wayn ayey u gaysteen dadka ku abtirsada reer Puntland, oo weliba in badan laga soo barakiciyay deegaano kale oo ay boqolaal sano ka hor ku noolaayeen, hantidoodiina laga dhacay.

Saas oo ay tahay, shacabka reer Puntland waxay hoygoodii ka suubsadeen nidaam dawlanimo ku meel gaar ah, Puntland State, oo ay dadkooda iyo deegaankooda uuga badbaadinayeen burburkii dagaalada sokeeye. Dadyow badan oo Soomaali ah oo cid walba leh oo ka soo qaxay goboladoodii ayay u noqotay meel ay ku nastaan, ku nabadgalaan, ku nagaadaan, ku dhaqdaan reerkooda kuna korsadaan caruurtooda, meherada kala duwan ka suubsadaan.

Waxay kaloo Puntland u tafaxaydatay, kana gun gaartay ilaa iyo xad inay isku soo duubto Somaalidii kala fariirtay, isla markaasna horseed ka noqoto sidii dawladnimadii Soomaaliya dib loogu soo noolayn lahaa.

Waxaan qabaa in maanta Golaha Shacabka Puntland uu gutay waajibaadka dastuuriga ahaa ee loo xilsaaray, oo ahaa in ay dheelitir u noqdaan Madaxweynaha iyo golihiisa Fulinta. Haddii sida Madaxweyne Gaas wax usoo maleegay loo meel marin lahaa, waxaan qabaa inay meel ka dhac wayn ku noqon lahayd wanaagii, sharafkii, xilkasnimadii, iyo dawlad-wanaagii looga bartay reer Puntland oo an qaarkood ku soo xusay kor.

Waxaan leeyahay Golaha Shacabka Puntland maanta guul wayn baad usoo hoyiseen dadka iyo deegaanka Puntland. Haddii dhago wax maqlayaan, dhaayana wax arkayaan, waayo arignimo na lagu cibraqaadanayo, waa wax mudan in Soomalida inteeda kale ku dayato.

Waxaad guushaas ku gaarteenah waa talo badsi iyo talo wadaag. Waxaa lagama maarmaan ah in shacabka talada wax laga wadaajiyo, oo kalka danbe iyo doorashooyinka danbe iyagu toos usoo doortaan madaxdooda,ha noqdaan kuwo degmo, gobol, iyo guwa dawladda dhexeba.

 231-4a5

Rabbow Tubta Toosan. Aamiin.

Abdihakim Hassan Hersi

ahhersi@outlook.com

dhagaseynblog.wordpress.com

About The Author