Dowlada Puntland oo wafti Xamar u dirtay

130

Waxaa shalay 27 dii september 2014 ka duulay garoonka diyaaradaha Garowe in ka badan 20 Agaasimayaal iyo Agaasime waaxeedyo oo ka kala socda madaxtooyada iyo Wasaaradaha Dowlada Puntland kuwaas oo lagu wado inay uga qeyb galaan shir Xamar ka dhacaya maanta ay soo qaban qaabisay Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Dowlada Xasan Culusoow.

Ujeedada waftiga Puntland u tageen Muqdisho ayaa salka ku haysa ka qeyb galida kulaas ay soo qabanqaabisay dowlada Xasan.

Madaxda shirka u tagey Xamar oo ka tirsan Xukuumada Madaxweyne Gaas Waxaa ka mid ah Agaasimaha Mashaariicda Madaxtooyada, Agaasimaha Tacliinta Sare  ee Wasaarada Waxbarashada, Agaasime waaxeedka Faaf Reebka Warfaafinta, iyo xubno kale oo tiradoodu ka badan tahay 20 qof.

Waftiga Xamar ay u dirtay xukuumada Gaas ayaa imaanaya xilli aysan wali labada dhinac wada hadalo rasmi ah ka yeelan go,aankii kasoo baxay xukuumada Madaxweyne Gaas 20-kii bishii horre Augsto 2014 iyo mowqifkii uu ku shaaciyey Madaxweyne Gaas 31 July 2014 inuu jaray wada shaqeyntii iyo xiriirkii xukuumadiisu la lahayd Villa Xamar.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo Puntland ta uu madaxda ka yahay Dr Gaas u dhaqanto  si ka hor imaanaysa go’aan ay Puntland gaartay shacabkeeduna ku taageeray. Xukuumada Gaas waxay dhaqan ka dhigatay in ay wx tiraahdo wax kalena samayso.

Puntlandes.com

About The Author