Dhagayso: Wasiirkii labaad oo iska casila maamulka Galmudug maanta ”markii aan ogaaday inaan loo Xaqsoorin ummadda Galmudug”

22 okt 2016 (Puntlandes) Wasiiru dowladaha Wasaarada Qorsheynta maamulka Galmudug Cabdiraxman Maxamed Cisman (Sayruuq) ayaa maanta shaaca ka qaaday  inuu iska casilay xilkii uu u hayay Maamulka Galmudug.

Wariir Sayruuq ayaa sheegay in uusan maamulka Galmudug u Xaqsoorin Beelaha wada dhistay maamilkaas, wuxuuna cod dheer kusii sheegay inuusan hal bil Mushahaar ka qaadan maamulkaas muddadii uu xilkaas hayey inuu isagu lacag geliya maahee.

Dhanka kale waxaa saaka isna iska casilay maamulkaas Wasiir ku xigeenka wasaarada deegaanka maamulka Galmudug Cabdifitaax Maxamuud Axmed Qafiifoow.

Dhagayso Shirkii jaraa’id ee Wasiirka


231-7b7
Puntlandes.com

About The Author