BREAKING NEWS: Ciidanka Puntland oo durkiyey kuwa Galmudug ee dagaalka sooqaaday & wararkii u dambeeyey ee dagaalka

22 okt 2016 (Puntlandes) Warakii u dambeeyey ee ay Warbaahinta Puntlandes ka helayso Aaga dagaalka Foonfur Galbeed ee dagaalka u dhexeetyaa Puntland iyo Galmudug uu ka socday ayaa sheegayaa in Xabadu ay ka dhacaysa iminka Ceel Akhwaan ilaa Tuulo Xaaran ilaa Barde Hunbul dhulkaasi wuxuu ku beegan yahay Galbeedka magaalada waana dhul miyi ah oo ka fog magaalada.

226-3

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay inaysan jirin wax Khasaaro ah ka dhashay dagaalka oo la keenay magaalada ilaa iminka.

Warbaahinta Puntlandes ayaa xaqiijisay inay weerarka soo qaadeen maamulka Galmudug Ciidamadiisa iyadoo ay si dhaqso ah ugu suurto gashay Ciidamada Difaaca Puntland inay bul balaaran ka qabsadaan maamulka Galmudug ee dagaalka soo qaaday.

Iminka ayaa waxaa sii yaraanaysa maqalka rasaasta noocyadooda kala duwan ee dagaalka aadka u culus loo isticmaalayo maxaa yeelay daqiiqadii u dambeeyey waxaa fogaatay xabadu oo meeshii hore aad bay uga fogtahay hada meesha lagu dirirayo.

Wixii war ah ee kusoo kordha kala Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author