Sawirro: Isbitaalka Bursaalax oo lagu wareejiyey Qalab Caafimaad oo kala duwan

24 okt 2016 (Puntlandes) Waxaa ka dhacday Xarunta Isbitaalka Bursaalax 22dii October 2016 Munaasabad ballaaran oo loogu wareejinayey Isbitaalka Bursaalax Qalabkii Caafimaadka.

Jaaliyadda taageerta Mashruuca Horumarinta Bursaalax ee ku nool dibada gaar haan qaaradda Yurub, dubai iyo Sacuucdiga ayaa usoo iibiyey Qalabkan Isbitaalka Bursaalax oo hoos yimaada Marshruuca.

Qudbadaha Munaasabadda ee kasoo qaybgalayaasha ayaa intooda badan waxaa loogu mahadceliyey dadkii keentay Qalabkan iyo intii ka qayb qaadatayba inuu suurto galo.

Munaasabaddaayaa waxaa kasoo qayb galay wufuud kala duwan oo kala ahaa:

  1. Duqqa Degmada Gaalkacyo Mudane Maxamud Yasiin Tumey
  2. Golaha Xildhibaanada Degmada Gaalkacyo
  3. Golaha Xildhibaanada Degmada Goldogob
  4. Dhakhaatiir kala duwan oo Qaliinka Guud ah
  5. Djakhtarka Indhaha Dr Axmed Haadi
  6. Xoghaynta BoD ka Mr Maxamed Gaaciye
  7. Aqon yahan Xaaji Qodhob
  8. Wakiil Jaaliyadaha Abdinasir dhagaburo
  9. Engineerada Sollarka shirkadda Qorrax Maal
  10. Madaxa Caafimaadka Bursaalax
  11. Dhakhtarka Isbitaalka

Dhamaan dadkii ka hadlay Munaasabadda ayaa waxay ku dheeraadeen sidii looga faaidaysan lahaa qalabkaan kala duwan oo aadka muhiimka u ah.

Qalabka ayaa waxaa ku jira Solar panels 8 xabo ah oo Isbitaalka ka baahitiri doona xagga Kontada oo ay uga bixi jirtay lacag badan, waxaana mid ah Qalabka:

1- Solar
2- Sheybaar
3- Raajo
4- Mashiinka caloosha lagu baara ama ulterson ama echo hadabasida aaad utaqana
5- Sariiraha ciyaalka marka ay yaryihiin lagasho

Daawo sawirrada munaasabadda
1

2

9

12
3

4

5

6

7

8

10

11
Puntlandes.com

About The Author