Sawirro: Dhaawicii Ciidanka Huwanta ee Gaalkacyo oo Dalka Sacuudiga loo qaaday

25 okt 2016 (Puntlandes) Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa maanta laga dhoofiyey Dhaawicii Ciidanka Huwanta , (DFS, Alshabaab iyo Galmudug), ee Gaalkacyo kuwaasoo ahaa 16 sabtidii ku dhaawacmay dagaal ay la galeen Ciidamada Difaaca Puntland.

Dhawacaan ayaa waxaa Garoonka ka qaaday Diyaarad qaas ah oo Dowladda Sacuudiga u soo dirtay si dalkaas loogu soo daweeyo, waxaana ka codsaday sidaas Xasan Sheekh.

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ku sii sagootiyey Dhaawaca Wasiirka Gaanshaandhigga Diini, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Saraakiil kala duwan oo ka socday maamulka Galmudug iyo DFS.

Dowladda Sacuudiga ayaa gacan siinaysa Huwanta Xamar kasoo weerartay Puntland, iyadoo ay ku caan baxday cunaqabataynta xoolihii Soomaaliya, tarxiilida ummadda Soomaaliya ee caalamkoo dhan laga soo dhaweeyey.

Dhanka kale Dowladda Sacuudiga ayaa waxay ku taageertay lacag aad u fara badan sidii uu dib ugu soo noqon lahaa Xasan Sheekh doorashada 2016ka, iyadoo siisay aduun lacageed oo gaaraya 50 milyan oo doolar.

Dowladda Sacuudiga oo tan iyo 1970 tameeyadii hortaagnayd in Soomaaliya Macdanteeda iyo Shidaalkeeda loo soo saaro ayaa waxay Caadaysatay inay la safato Beelaha Taageera Jamahadii USC laga soo bilaabo 1989kii ilaa iminka, iyadoo danta kaliya ee ay ka leedahay ay tahay in aan Soomaaliya waligeed degin dawladnimadeediina dib ula soo laaban.

Daawo sawirada Dhawaawaca Huwanta Dagaalka kusoo qaaday gaalkacyo
231-8aa
231-8a2
231-8a1

231-8a

231-8
Puntlandes.com

About The Author