BREAKING NEWS: Doorasha Soomaaliya oo dib loo dhigayo, goorma?

29 okt 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Doorashada Soomaaliya ee la qorsheeyey inay dhacdo 30nov 2016 dib loo dhigi doono markii  sadexaad.

226-3

Warbaahinta Puntlandes oo soo xiganaysa ilo aad loogu kalsoon yahay oo u dhuun daloola ayaa ogaatay in ay dhici doonta 15 Dec wixii ka danbeeya kana horaysa inta aysan dhamaan bisha dic 2016ka.

Waxaana la shaacin doonaa in dib loo dhigay Doorashada bartamaha bisha soo socota haddii allah idmo, waxaana la qorsheeyey inay dhacdo Doorashadu 24ka dic ka hor.

Waa markii sadexaad oo dib loo dhigo Doorashada Soomaaliya iyadoo qorshaysnayd inay dhacdo 10ka sep 2016ka, ayaa waxa dib loo dhigay 30okt iyadoo hadana dib loo dhigay 30 nov hanada la qorshaynayo in dib loo dhigo 15ka-22ka 2016.

Puntlandes.com

About The Author