Alshabaab oo qabsatay Goofgaduud oo Baydhabo u jira 30km

30 okt 2016 (Puntlandes) Alshabaab ayaa dagaal xoogan kula wareegtay gacanta ku haynta deegaanka Goofgaduud ee ku yaala duleedka magaalada Baydhabo.

231-7c8

Goofguduud ayaa waxaa horey gacanta ugu hayey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka KGS, balse dagaal xoogan oo ay ku soo qaadeen Alshabaab kadib ayaa waxaa la wareegay Alshabaab.

Deegaanka Goofgaduud ayaa magaalada Baydhabo u jira 30km, iyadoo magaalada Baydhabo ay tahay xarunta ku meel gaar ah ee maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Alshabaab ayaa mudooyinkii u dambeeysay la wareegtay deegaano badan oo ka tirsan Gobalka Baay, Galgaduud iyo Hiiraan.

Puntlandes.com

About The Author