Gaalkacyo: Gudiga Dib u dhiska isbitaalka weyn ee Gobolka Mudug, oo soo bandhigay Lacagaha ay hayaan iyo wixii ay qabteen (Dhagaysi+Sawirro).

31 okt 2016 (Puntlandes) Isbitaalka weyn ee magaaladda Gaalkacyo, ayaa maanta waxaa ay soo bandhigeen lacagihii ay heleen, wixii ay qabteen iyo kharashakii ku baxay.

Gudiga ayaa sheegay in ay haatan soo gab gabeeyeen wajigii koowaad ee Dhib u dhiska Isbitaalka weyn ee Gobolka Mudug, iyaga oo sheegay in ay doonayaan in dhawaan la bilaabo dhismaha naqshadda cusub ee isbitaalka Casrigaa.

Gudiga ayaa sheegay in ay heleen lacag gaaraysa $ 140,002 (Boqol iyo afartan kun iyo Laba doolar), taas oo kasoo ururtay umadda Reer Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya oo dhamaantood soo sadaqaystay, waxaana weheliya dadkale oo Islaam ah oo iyaguna lacago lasoo baxay.

Dhagayso Dr.Max’ed Jamac

Marwo. Caasho Geele.

SAWIRRO.

img_1020

img_1019 img_1016 img_1012 img_1006 img_1004

 

About The Author