Madaxweyne Gaasow Yaa Hilaac Kula Ogaa & Dhuumashada Dhabarku Muuqdo ?

130

Haddaan cinwaanka aan jilciyo, waxaa anoo caruur ah maqli jiray tuugbaa reero u soo dhacay asagoo dadkii hurday ka dul- talaabsanaya ayaa waxaa dhacday in hilaac iyo onkod isqabsaday, markaasuu inta ku argagaxay yiri « allah hilaaca », markaasaa inta dadkii ku soo tooseen lagu yiri «tuugow yaa hilaac kula ogaa.» Haddaba hadeynu ogeyn in dowlada Puntland ay xiriirkii u jartay xukuumada Villa Wardhiigley taariikhdu markay ahayd Aug 1, 2014, oo aynu ogeyn in go’aankaasi ku xusnaa in Puntland ay xubinteedii ka tirsanayd Guddiga dib u eegista dastuurka ay kala soo baxday, xubnihii Parlement-ka ugu jirayna ay dib wadatashi ugu yeertay.

Intaa ka dib waxaynu ogayn qodobadii kasoo baxay wadatashiga, mana garaneyno meel ay uga xusneyd dib uga mid-noqoshada guddiga dib u eegista dastuurka loogu fasaxay Marwo Caasho Geelle !!!.

Waxaanu is lahayn ilaa DF & Puntland iska arkayaan kana heshiinayaan gabood falyadii loo geystay dastuurka iyo ku xadgudubkii xuduudaha iyo jiritaanka Puntland in wax laga wada-shaqeyn karaa aysan jiri-doonin. Waxaa maanta ku baraarugay shaqsiyan waxyaabo badan oo aan diidanaa inaan dadka ku kacsan Dr. Gaas aan ku raaco amaba aan dhag-jalaq-u-siiyo. Waxyaabahaas waxaa ka mid ah Dr. Gaas dano gaar ah baa u qarsoon, taasoo dadka had iyo jeer dhaliilaa uu midba si u dhigo.

Haddaba anigu qoraalkeyga dulucdiisa maaha inaan waxa calooshiisa ku jira aan malle’awaalo, laakiin, waxaan qirayaa inay jirto waxyaabo shaki abuuri kara iyo siyaasad loo qaadan karo dhuumasho dhabarku muuqdo. Taasoo u baahan in shacabka reer Puntland ay helaan jawaab waafi ah oo ka qancisa afka & ficilka xukuumada Dr. Gaas oo aad moodid inay iskhilaafsan yihiin.

Waa dhici kartaa in arinta marwo Caasho aan ku degdagay maadaama aan ku arkay qoraalka shirkaas jabuuti ka dhacay Puntlandnew24.com oo kaliya. Laakiin, markaan arkay in Federal-diidka hogaamiyahoodii Mr. Caynte ay noogu keeneen Garowe, misana ay yiraahdeen dowladda Muqdishaan xariga u jarnay, iyadoon laga heshiin wixii la isku hayeyna wafdi uu hogaaminaayo Shimbira Laaye baa Muqdisho u ambabaxay. Ka gudub, xubintii ay dib ugala soo noqdeen Gudiga aan markii horeba xalaasha ahayn ee dib u eegista dastuurka oo howlaheedii shaqo ku guddo jirta iyadoo cid iska soo horfadhiisatay aysan jirin arimahii dastuuriga ahaa oo ay DF-ka ah iyo PL ay isku hayeen.

Haddaba waxaan isbarbar-dhigay labo su’aalood oo kala ah : haddii arinta Ms. Caasho iyo tan Mr. Shimbira Laaye laga been sheegay maxay dadku kuu arkayaan? jawaabta ii soo baxday waxa weeye, in dadku ii arki doonaan ruux aan wax hubsan. Waxaan kaloo isweydiiyey haddii aadan waxba ka dhihin oo ay run noqoto yaad eedi doontaa ? waxaa iisoo baxday cid aan aniga ahayn oo aan eedi karaa inaysan jirin, taasina ay noqon-doonta boog igu taal inta aan noolahay. Sidaa awgeed intuu uurku buki-lahaa wixii ladoona ha yiraahdeene balweydii shacabka Puntland cidii Dr. Gaas hilaaca la ogeyd, iyo dhuumashada dhabarku muuqdo oo isku furtay Villa Wardhiigley iyo Punt-House.

Wabilaahi Towfiiq
By : Ahmed Yusuf Ahmed

Xigasho: dunidaonline.com

Puntlandes.com

About The Author