DHEGAYSO: Maxay Itoobiya ku dooneysaa in mar kale la doorto Xasan Sheekh Maxamuud?

 

15

Waxaa soo dhawaatey maalmihii u danbeeyey ee doorashada 2016 run ku noqon lahayd, waxaa ilaa hadda diyaarsan 35 Xidhibaan oo kamid ah 54 Xldhibaan ee Aqalka Sare, waxaana lagu wadaa maalmahan in lagu dhawaaqo 8 xubnood oo kale.

Sidoo kale waxaa toodbaadkan qaybo kamid ah caasimadaha Dowlad goboleedyada Soomaaliya ka dhacaya doorashada aqalka Hoose.

Waxaa la aaminsan yahay in doorashadu maalintii la qabtey ay ka dib dhacayso oo ay gaareyso ka hor dhamaadka bisha Diseembar 2016 oo ergooyin badan oo caalamka ka socda ay fasaxii Kirismiska gelayaan markaas.

Taartiikh kooban

Kadib Burburki Dowladdii u danbeysey ee dhexe ee Soomaaliya yeelato 1991, waxaa Soomaaliya gacmaha la galay dalal shisheeye kuwaas oo dano kala duwan kalahaa markaas.

Dalka Itoobiya oo kamid ah dalalka faraha kula jira siyaasadda Soomaaliya ayaa sida Soomaaliya oo kale waxaa Jamhadihii isbahaystey ee Tigreega iyo Ereteeriya (EPRDF) ay xukunka ka rideen Dergigii u hoggaaminaayey Keligi taliye Mengistu Haile Mariam, Itoobiya ma noqon Soomaaliya oo kale, waxaana laba sano kadib dhicidii Dergiga ay faraha la soo gashey siyaasadda Soomaaliya. Shirarkii ugu badnaa ee lagu magacaabi jirey dib u heshiisiin waxaa lagu qabtey Itoobiya 1993-1997.

Soomaaliya ayaan helin wax Dowlad ah mudadii u dhexeysey 1991-2000, waxaana laga waayey dhamaan fagaarayaasha caalamka. Mudadaas Itoobiya waxay taageereysey Jamhadii hubeysnaa iyada oo midkasta goonidiisa ula xiriiri jirtey. Kadib bur-burkii Shirkii Qaahira 1996, Itoobiya waxay dhistey Isbahaysigii Soodare, kaas oo ka shaqeeyey meelo kamid ah Soomaaliya. Kadib dhismihii Dowladdii Carta ee ahayd middii ugu horeysey ee la dhiso kadib bur-burkii Soomaaliya, Itoobiya waxay dhistey Isbahaysigi SRRC oo ay ku mideysnaayeen dhamaan hoggaamiye kooxeedyadii Koonfurta waxaana ay kula dagaalantey Xukuumaddii TNG ee dhaafi weydey xaafadda Hodan ee magaalada Muqdisho.

Sanadkii 2004, Itoobiya waxay taageertey Dowladdii uu Madaxweynaha ka noqdey Cabdullaahi Yusuf Axmed (AUN), oo ay kumidooben, haraagii TNG, Haoogaamiyekooxeedyadii Soomaaliya iyo Puntland. Kadib soo bixitaankii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah sanadkii 2006, waxay Soomaaliya soo gelisey ciidamadii ugu badnaa abid kuwaas oo qabsadey ilamaa iyo magaalada Muqdisho, laba sano kadib dalka oo dhan ayey isaga baxeen, waxaana ay si toos ah uga soo horjeesteen Cabdullaahi Yusuf, oo ugu danbeyntii xilka iska casiley.

Dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda ee Geeska Afrika ayaa sabab uga dhiga farogelinta qaawan ee Itoobiya in ay salka ku hayso dhulka Soomaali Galbeed ee hadda Itoobiya ugu yeero Kililka shanaad, oo ay aaminsan tahay in haddii Dowlad Soomaaliyeed oo xoogleh soo noqoto ay dib u soo celin karto murankii dhanka xuduuda, Sidoo kale waxa farogelinta gaartey 20 sano waxay salka ku haysaa, juqraafi ahaan halka ilaahay Soomaalida ku beeray oo noqotey meel istraatiijiyad wanaagsan leh.

Doorka Itoobiya ee Doorashada 2016

231-9c

Raysalwasaaraha Itoobiya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada qabtey shir saxaafadeed kii u horeeyey kadib doorashadii 2012

 

Doorashada sanadkan 2016 ayaa si weyn uga duwan tii 2012, waxaana si aan qarsooneyn u muuqata farogelin dalal shisheeye ay ku hayaan, kuwaas oo dano kala duwan ka leh arrimaha Soomaaliya.

Warar Horseed heshey ayaa xaqiijinaya in musharaxa Itoobiya sanadkan ay taageereyso uu yahay Madaxweynaha hadda xilku ka dhamaadey oo doonaya in mar kale la doorto Xasan Sheekh Maxamuud. Doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii uu booqdey Itoobiya ayuu sheegay in xiriirka Kenya iyo Jabuuti kala dhexeeya uu yahay mid aan taarikh fog lahayn marka la eego tan Itoobiya oo gaareysa Qarniyo. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqdey Madaxweynihii u horeeyey ee booqda meel kamid ah dhulka Soomaalidu degto ee Itoobiya isaga oo ku tegay booqasho rasmi ah Jig-jiga.

HOOS KA DHEGAYSO SHIR SAXAAFADEEDKII UU KU QABTEY ITOOBIYA SAFARKIISI U HOREEYEY 28.11.2012, XASAN IYO Hailemariam Desalegn.

 

from-jabuti-to-itoobiya-15

Itoobiya ayaa isu aragta dalka ugu mudan ee wax laga weydiin karo arrimaha Soomaaliya ama loo daba fariisan karo, waxaana maalmihii u danbeeyey ay ciyaareysey siyaasad la xiriirta doorashada Soomaaliya iyo natiijada ka imaan karta iyada oo cidiankeeda kala baxaysey qaybo kamid ah Koonfurta Soomaaliya, taas oo ay markiiba la wareegayeen al-Shabaab taas oo caalamka u muujin karta awooda Itoobiya ee joogitaanka Soomaaliya iyo taagdarada ciidanka Soomaaliya.

Kadib markii Dalka Imaaraadka Carabtu ay casumeen Madaxda Dowlad goboleedyada oo awood ku leh doorashada sanadkan ayaa isla maalintii Axadda waxaa Itoobiya u duuley Madaxweyne Xasasn Shiikh safarkaas oo ahaa mid aan la sheegin oo aan laga hadlin soo noqoshadiisa, waxaana uu salka ku hayey doorashada iyo tageerada aan kala harka lahayn ee Itoobiya u ballan qaadey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh maxamuud ayaa u arka dib u dhackasta oo doorashada ku yimaada tan iyo bishii Agoosto in ay sii yareyneyso fursadda uu haysto in uu mar kale noqdo Madaxweyne, waxaana hadda garabkiisa ka baxay Dowladu uu isku haleynaayey markii hore, taas oo kaliftey in uu isu dhiibo Itoobiya.

Xigasho: Horseed Media

Puntlandes.com

About The Author