Garowe: Xildhibaanada ilaa iminka la Doortay & Beelaha ay kasoo jeedaan

5 nov 2016 (Puntlandes ) Maanta oo bisha Nov tahay 5ta ayaa waxaa Caasimada Puntland ee Garowe si habsami ah uga bilowday Doorasha Xubnaha Puntland ee Aqalaka Hoose ee Baarlaaamnak Jamhuuridda Soomaaliya.

231-9c4

Warbaahinta Puntlandes ayaa Akhristayaaasheeda usoo jeedinaysa Xildhibaanada ilaa iminka la Doortay iyo Beelaha ay kasoo jeedaan:

1- Waxaa ku guulaystay Cali Yuusuf Cali Xoosh kadib markii uu 49cod kaga guulaystay Cabdirashiid Xasan Yuusuf oo isagu helay 1cod: Beesha Ciise Maxamuud

2- Waxaa ku guulasytay Siciid Daahir oo 44cod kaga guulasytay Faduumo Ismaaciil bootaan oo heshay 7cod: Beesha Ogaaslabe

3- Waxaa ku guulasytay Cumar Ismaaciil Waberi oo helay 28cod, waxaa la tartamayey Maxamed Cabdi Cismaan oo 22 cod helay: Beesha Dishiishle

4- Waxaa ku guulaystay Cilmi Cumar Caynsane oo helay 27cod , Cabdiraxmaan axmed maxamuud waxaa uu helay 24cod, halka Zekeriye Khaliif uu helay 0: Beesha Madhibaan

5- Waxaa ku guulaystay Axmed Ismaaciil Maxamed Xaaji oo helay 38 cod, waxaa uu ka guulaystay Iimaan Maxamed Cashuur oo helay 12cod: Beesha Bahmajeerteen/Warsangeli

6- Waxaa ku guulaystay Maxamuud Xayir oo helay 38 cod waxaa uu ka guulaystay cabdisamad maxamad Abwaan oo helay 12cod iyo cabdixafid Cali Yusuf 2 cod: Beesha Cali Saleebaan

Kala soco 6 Kursi ee haray Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author