Sawirro: Wararkii u dabeeyey ee Dagaalkii Gaalkacyo & Puntland oo Tekniko ka qabsatay Galmudug

6 Nov 2016 (Puntlandes) Saaka ayaa waxaa ka qarxay Galbeedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug Dagaalo aad u qaraar oo dhaliyey khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Ciidanka Puntland ay ka qabsadeen Ciidanka Huwanta labo gaaro oo Baabuur Tekniko ah oo mid uu saran yahay Qoriga Bitayn ah midna ZUUGa.

Ma jirto ilaa iyo iminka mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug oo ka warbixisay dagaalka maanta kaasoo kusoo beegmaya xilli ay heshiis kala saxiixdeen Madaxweynayaasha labada maamul.

Dawlada Puntland oo warsaxaafadeed kasoo saartay Dagaalka Qaraar ee uu maamuka Galmudug kusoo qaaday Puntland ayaa ku dhawaaqday inuu burburay Heshiidskii ay kala saxiixdeen labada maamul.

Hakan ka akhriso warsaxaafadeedka

Hakana ka dhagayso Afhayeenka dawlada Puntland Quraan Jecel ooka hadlaya mawqifka dawlada Puntland

Daawo sawirada Baabuur Tekniko ah oo uu saran yahay Qoriga Bitayn ah
232-1a2

232-1a3
Puntlandes.co

About The Author