FADEEXAD-CADAYN: Nin ka mid ah 6 nin oo Shacab ahaa oo Galmudug Afduubatay dagaalkii 2015kii dabayaaqadiisi ka dhacay Galkacyo oo maanta lagu sheegay Sarkaal PL ah oo ay qabteen

6 Nov 2016 (Puntlandes) Waxaa FADEEXAD aad u wayn ah in maamulka Galmudug oo caadaystay wax lagu qoslo oo ay ka mid tahay in maxabiis Ciidan Jubaland ka yimid ay ku qabteen dagaalada Gaalkacyo iyo maanta oo ay faafiyeen BEEN LA DHOODHOOBAY oo ah inay qabteen sarkaal ka tirsan Ciidan Difaaca Puntland.

232-1a9

Daawo Muuqaalka saxda ah ee ninkan oo ka mid ah 6 qof oo shacab ahaa oo uu Isticmaalay maanta maamulka Galmudug.

Waxaad ku arkaysaa in taariikhda muuqaalkan la geliyey netka oo ah 30 nov. 2015

Sida aad Muuqaalka koro ku aragtaan Maamulka Galmudug ayaa maanta nin ka mid ah 6 nin oo Shacab ahaa oo uu maamulka Galmudug Afduubatay dagaalkii 2015kii dabayaaqadiisi ka dhacay magaalada Gaalkacyo ku sheegay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Difaaca Puntland oo ay ku qabteen dagaalkii maanta dhex maray Puntland iyo Galmudug.

Daawo Muuqaalka ninkan oo uu ku sheegay maanta maamulka Galmudug Sarkaal Puntland ah oo ay qabteen!

Waxaad ku arkaysaa in taariikhda muuqaalkan la geliyey netka oo ah 6 nov. 2016

Dhawaan ayey ahayd markii uu maamulka Galmudug sheegay inay qabteen Maxaabiis ka mid ahayd Ciidan ay Jubaland kusoo taageertay Puntland kuwaaso noqday dad Madaxa looga jiro oo labo ah iyo nin Maskiin an oo intay Gacan u duubeen ku qasbeen inuu sheegto inuu ka mid yahayCiidan Jubaland laga keenay, iyagoo mar dambe iska sii daayey dadkaas!! hoos ka daawo

Puntlandes.com

About The Author