Dhagayso: Afhayeenka nabadoonada Galmudug ”Colaada Galkacyo Gaas ayaa Heshiis Gaalo kula galay inay la wareegto Somalia…”

Afhayeenka Nabadoonada Galmudug Yaasiin Maxamed Gaani oo maanta la hadlay Radio Daljir ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay Galkacyo ay sabab u tahay khilaaf u dhexeeya  dhinacyada ku dagaalamaya Galkacyo.
231-7c3
Wuxuu sheegay in nabada ay ku xiran tahay Puntland iyo Galmudug oo wada hadla  balse aysan ku xiranayn odayaasha dhaqanka.

Yaasiin Maxamed Gaani ayaa waxa kaloo uu sheegay in la heshiin doono marka ay 10 qof kasoo harto reer Gaalkacyo ama Mudug waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale waxa uu Yaasiin Maxamed Gaani ku eedeeyey Colaada Gaalkacyo madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas isagoo sheegay inuu heshiis kula galay Gaalo si ay ula wareegto Soomaaliya waa sida uu yiriye.

Dhagayso Nabdoon Yaasiin Maxamed Gaani

Dhanka kale waxaa isna la hadlay Saxaafadda Sarkaal ka tirsan Ciidanka maamulka Galmudug isagoo weeraradii ay ku hayeen laga soo bilaabo 7dii okt ku eedeeyey inay Puntland ka dabayso.

Wuxuu kaloo ku eedeeyey Puntland inay dileen Maxaabiis ay shalay dagaalkii ku qabteen waa sida uu sheegaye.

Maanta ayey ahayd markii la helay Mayd nin Maskiin ah ooo Wadaad ahaa oo shalay oo dhan magaalada ku wareegayey Gaari Nooha oo uu ku rabinab yahay Codbaahiye isagoo dadka ku xusuusinayey inay Allah ka cabsadaan oo isdaayaan kadibna wuxuu galay dhanka koonfureed isagoo isleh cidina wax kuma yeelayso kadibna intay qabteen maaulka Galmudug ayey si xun u dileen, halkan ka akhriso.

Dhagayso Sarkaalka


Puntlandes.com

About The Author