Madaxweyne Xasan Sheekh oo dagaalka Gaalkacyo ku tilmaamey mid Qarni soo socdey

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysey ka ahdley dagaalada ka socda Gaalkacyo tan iyo bilowgii bishii Oktoobar.

 

 232-1b3

Tan iyo 7 Oktoobar 2016 waxaa duleedka iyo gudaha Gaalkacyo ka dhacay 13 dagaal oo u dhexeeyey Puntland iyo Galmudug. Dagaalka ayaa bilowdey kadib markii Puntland ay isku daydey in ay xaafadda Garsoor, Gaalkacyo ka hirgeliso Maxjar xoolaha dhoofaya lagu xereeyo, kaas oo Galmudug ay ka hortimid sheegtayna in aan la dhisi karin inkasta oo dhulka laga dhisaayo uu yahay gudaha Puntland.

Puntland ayaa sheegtey in dagaalkan ay ku jiraan ciidankii Dowladda Federaalku ay mushaharka siin jirtey ee loogu yeero SNA, waxaana ay ka digtey mustaqbalka Dowladsa Federaalku sida uu noqonaayo haddii ay dagaaladan qayb ka yihiin ciidankii Dowladda u qornaa oo la ogyahay in Musharadaadka loogu qaqybiyo Cadaado, waxaana sidaas sheegay Madaxweynaha Puntland.

Galmudug ayaa marar kala duwan beenisey in Ciidamadii Dowladda Federaalku ay dagaalka ku jiraan, ama kuwo xiriir la leh al-Shabaab sida Puntland ku eedeysey.

Dadka falanqeeya arrimaha xasaasiga ah ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaaladan ay salka ku hayaan:

  • Hawlgalo laga fuliyey Gaalkacyo oo lagu bur-burinaayey shabakadao al-Shabaab ah
  • Xanibaadii Puntland ku soo rogtey gawaarida koonfurta ka yimaadaa in ay gudaha u galaan Puntland, kadib weerarkii lagu qaadey Suuqa Dayax, taas oo Galmudug aad uga qaylisey.
  • Galmudug oo dooneysa in ay Puntland miiska soo fariisiso, Gaalkocyo loo yeelo hal maamul oo lagu qaybsadey 50/50, iyada oo la ogyahay in magaaladu tahay 4 xaafadood, hal mid keliyana Galmudug ka degto.
  • Weerarkii diyaaradaha Maraykanku ka fuliyeen duleedka danbe ee Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo oo la taliyaal iyo ciidamo yar ka joogaan, Maraykanku wuxuu sheegay in ay al-Shabaab dileen, Galmudug waxay sheegtay in ciidankoodi la diley, Puntland ay marin habaabisey Maraykanka, oo ay u aargudi doonto ciidankeedi.

Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa isku dayey in dagaalka la joojiyo waxaana uu habeen ku sugnaa Cadaado, kadibna waxa uu uga gudbey Garoowe, lama oga halka dedaalkiisi ku danbeeyey, hadal danbena kama soo bixin Raysalwasaaraha Cumar Cabdirashiid.

Eedaymaha loo jeediyey Dowladda Federaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo cid kale oo ka tirsan Dowladda ayaan ka hadlin eedeynta loo jeediyey, marka laga reerbo Wasiirka Gaashaandhigga Gen. Cabdulqaadfir Diini, Xasan Sheekh ayaan sidoo kale baaq ka soo saarin dagaalada, iyo weliba tacsi dhibaatada ka dhalatey.

Madaxweynaha ayaa ka faa’ideystey waraysi Telefishan la yeeshay, waxaana uu sheegay arrin dad badan shaki gelisey oo ku aadan colaada.

Galmudug waxay sheegtaa in dagaaladan ay sabab u tahay fulin la’aanta hgeshiiskii Diseembar 2015 oo beesha caalamku ay goobjoog ka ahayd. Heshiiskaas waxaa ugu muhimsanaa xabbad joojin iyo in colaadda la joojiyo taas oo hirgashey. Galmudug ayaa sheegaysa in wax badan ay ku maqan yihiin Puntland haddii aysan oggolaan isla xisaabtan dhab ah oo ku aadan qaybisga dakhliga Gaalkacyo ay dagaal ku oogoleysiinayaan Puntland, iyada oo Puntland sheegtey isla xisaabtan in ay oggolyihiin laakiin ay saameyneyso ilmaa iyo Muqdisho oo gaar loo yeeshay.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu Galmudug ku raacay in dagaalka ay sabab u tahay fulid la’aanta heshiiskii Gaalkacyo, iyada oo ay jirto heshiiskaas kadib in nabad la helay xabbadna aysan dhicin marka laga reebo shaqaaqooyin yar-yar.

Dagaal qarniyo soo taxnaa

Madaxweynaha ayaa arrinta sii fogeeyey oo ka dhigey in dagaalka Gaalkacyo uu ku siman yahay muddo qarni ah 100 sano.

Magaalada Gaalkacyo oo lawada deggan yahay, dagaalka ugu horeeyey ee dhiig badan ku daato ee beesha Daarood banaanka looga saaro, dabna la qabadsiiyo guryahoodi waxay ahayd kii dhacay Bishii Feberaayo 1991 ee ay soo qaadey Jamhaddii USC ee uu hoggaaminaayey Cali Mahdi Maxamed iyo Gen. Caydiid.

Dagaalada Gobolka Mudug ka dhici jirey ayaa ku ekaa miyiga waana caado Soomaaliyeed waxaana uu ahaa dagaal afar geesood ah oo aan u dhaxayn keliya beelaha Daarood iyo Hawiye oo keliya ee xitaa waxa uu u dhexeeyey beelaha Daarood dhexdooda, si lamid ah Beelaha Hawiye dhexdooda. Waxaa dad badan is weydiinayaa mudada Qarniga ah ee Xasan Sheekh sheegay ma waxa uu ula jeedaa dagaaladii reer guuraaga.

Dagaalada Soomaaliya kama dhicin Gaalkacyo oo keliya, magaalooyinka la wada dego ee la wada dhistey waxaa kamid ahayd Muqdisho oo ah caasimadda, beelo dhan ayaana banaanka looga saarey guryahoodina xoog lagu degay, waxaa la is weydiinayaa qaabka dib loogu wada degay Caasimadda, maamulkeeda Soomaalidii horey looga saarey maka wada dhex-muuqataa degmooyinka ay ka kooban tahay? kheyraadkeeda maloo wada siman yahay? guryaha dadkii lahaa ee weli xoogga lagu haysto malaga heshiiyey?, magaalooyinka kale waxaaka mid ah Ceerigaabo iyo Gaalkacyo. magaalada Gaalkacyo keliya ayaana heshiis dib loogu wada degay, Heshiiskaas ayaana noqon kara tixraac haddii dhib timaado.

Haddaba su’aasha la isweydiinayo ayaa ah Madaxweynuhu ma sameeyey baaritaan dhibta loo tiiriyey ciidanka Dowladda, iyo gawaartidii Talyaanigu ku deeqay ee ay saaran yihiin hubka lidka diyaaraduhu, sida lawada ogyahay guutada 3aad marna loogu yeero 10aad mar kalena magac kale la siiyo ee ciidanka xoogga dalkku waxay degan tahay gobolka Galguduud oo ay ku mushahar qaataan, waxaa la ogyahay in ciidanka Dowladdu ay horey uga qayb-qaateen dagaaladii Shabeelada Hoose ee beelaha u dhexeeyey. Hadalka Madaxweynha kama muuqan wax baaritaan ah oo Dowladdu sameysey waxaana dadka qaarkiis ku tilmaameen mid milil iyo hurgumo xanbaarsan iyo colaad gaamurtey oo qarniyo gaartey, taas oo calaamad su’aal saareysa doonitaanka Madaxweynuhu doonaayo in uu bulshada Soomaaliyeed hoggaamiyo mar labaad.
Xigasho: Horseed Media

Puntlandes.com

About The Author