DHEGEYSO-Galmudug Oo Dishey Gabar Yar Oo 12 Sano Jir ah.

Wararka ka imaanaya Deegaano ka tirsan Xuduuda Gobolka Galagduud uu la wadaago Dalka Ethopia ayaa waxay sheegayaan in saakay la dilay Gabar da’deeda lagu sheegay 12 sano jir Taasi oo la dilay iyadoo la Joogto Ariga.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa ku dhaw Deegaanka Balli-Cad oo dhowr jeer ay dirir ku dhex martay Ciidamo katirsan Maamulka Galmudug iyo Maleeshiyo Beeleed.

Dilkaan ayaa lagu sababeeyay Inuu yahay Dil siyaasadeed isla markaana ay ka dambeysay Galmudug sidaasi waxaa Radio Daljir usheegay Gudoomiyaha Degmada Dhabad Aadan Gebi.

DHEGEYSO

About The Author