WAR DEG-DEG AH:Ururka Alshabaab oo ka baxay degmada Baraawe

Wararka ka imanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in ururka Alshabaab ay faarujiyeen degmada Baraawe oo ahayd degmadii ugu muhiimsanayd ee gacantooda ku soo hartay.

 

Ciidamada ururka Alshabaab ayaa ka baxay degmada Baraawe kadib markii ay u soo jirsadeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada wax ka yar 20km. Kolonyo ciidamo ku hubeysan hubka culus oo ay ku jiraan taangiyo ayaa saaka ka dhaqaaqay deegaanka Maringubaay waxayna taasi sababtay in ururka Alshabaab uu baneeyo magaalada Baraawe.

Puntlandes.com

About The Author