Dhagayso: Amb Keating ”Waa in lagu taageeraa Nabdoonada, Waxgaradka & Odoyaasha Gaalkacyo sidii ay nabada uga shaqayn lahaayeen, loogana dambeeyo xalka”

8 Nov 2016 (Puntlandes) Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb Michael Keating ayaa maanta mar uu waraysi siiyey TVga Somali Cable waxa uu ka hadlay Colaada ka aloosan magaalada Gaalkaco ee xarunta Gobolka Mudug iyo dariiqii loo mari lahaa Xalkeeda.
img_9656
Amb Keating ayaa yiri isagoo ka hadlaya doorka UNka ”Qaramada Midoobay way ka caawin kartaa laakiin Colaada Gaalkacyo waxaa xalin kara oo kaliya Soomaalida”

Amb Keating ayaa sheegay in Qaramada midoobay ay ku dhiiri gelinayso Madaxda Puntland, Galmudug iyo DFS ugu horayn:

  1. In Xabad joojin la gaaro
  2. In la isla garto ama la isla meel shigo waxa keena dhibka soo noqnoqda si loo xaliyo
  3. In la sameeyo Shaxdii ama Road mapkii lagu xalin lahaa waxa Dhibaatada daba dheeraatay ee Gaalkacyo

Amb Keating oo ka hadlayey dagaalkii maanata uu maamulka Galmudug kusoo qaaday Puntland ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in mar kasta Xabad joojinta la sameeyo la jabiyo, wuxuuna intaas sii raacshay inay aad muhiim ay u tahay in Xabad Joojintu ay shaqayso.

Amb Keating oo ka hadlay sida dhabta ah ee lagu xalin karo Colaada Gaalkacyo ayaa sheegay in Nabdoonada, Waxgaradka iyo Odoyaasha magaalada Gaalkacyo ay yihiin kuwa keenay Nabadii Gaalkacyo ka jirtay 20kii sano ee u dambeeyey.

Wuxuu Amb Keating intaas kusii daray in loo baaha yahay in lagu taageero Nabdoonada, Waxgaradka iyo Odoyaasha magaalada Gaalkacyo inay ka shaqeeyaan nabadda sidii ay horay uga soo shaqeeyeen.

Dhagayso Amb Keating


Puntlandes.com

About The Author