BREAKING NEWS: Puntlandes.com oo heshay CADAYN ah Xasan Sheekh oo EEX Qabiil ugu hiiliyey Jowhar kana hiiliyey G. Hiiraan!!

10 nov 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay heshay Qoraal kasoo baxay African Development Bank, kaasoo tilmaamaya Shaxda Mashaariicda Horumarineed ee Soomaaliya uu ka hirgelinayo Bankigu.

232-1b3

 

Sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes waxaa laga qoray oo loogo gudbiyey African Development Bank Shaxdan xafiiska madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ee Villa Somalia, wuxuuna CADAYN u yahay Qoraalkani sida INDHO la’aanta ah ee uu Xasan Sheekh ugu hawlan yahay EEX Qabiil iyo ku Tumasho XUQUUQ ay leeyihiin shacab Soomaaliyeed oo uu sheeganayo inuu madaxweyne u yahay.

Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay usoo gudbinaysaa umadda Soomaaiyeed sida uu ugu Tuntay Xasan Sheekh XUQUUQDII ay la haayeen Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay ku dheer tahay Soomaalinimadu, isagoo Xaqoodii siiyey uguna hiiliyey Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay wax ka degaan Beesha uu kasoo jeedo Xasan Sheekh.

Aduun Dhaqaale ah oo gaaray ku dhawaad haaf Bilyan (500 Miljan) ayaa Beesha Caalanku waxay ugu deeqay in Soomaaliya lagu Horumariyo ayna kaga soo aaday 50 Miljan oo doolar maamulka uu samaystay Xasan Sheekh ee HirShabeelle.

Lacagta loo qoondeeyey maamulkaas ayaan 1 doolar laga siin Gobolka Hiiraan iyadoo dhamaan dhaqaalahaas ay u sinaayeen shacabka ku nool labadaas Gobol la wada siiyey Gobolka ay Beesha Xasan Sheekh Degto ee Shabeellaha Dhexe.

Xasan Sheekh ayaa u qaybiyey 50kii miljan ee Doolar ee loogu talagalay Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabeelle sidatan:

  1. Taageero Maamul: 3 Miljan waxay gelaysaa JOWHAR oo Caasiadda ah -Gobolka Shabeelaha Dhexe
  2. Dib u dhis wadada isku Xirta Jowhar iyo Muqdisho: 25 miljan Doolar waxay gelaysaa Gobolka Shabeelaha Dhexe
  3. Bakhaaro, Waraabka ..: 22 miljan Doolar waxay gelaysaa Jowhar-Gobolka Shabeelaha Dhexe
  4. Gobolka HIIRAAN: Waxba ma uusan siin Xasan Sheekh

Xasan Sheekh CADAALADIISU waa taas ee Somaliyeey Arag

Hoos ka akhriso Cadaynta ay  Warbaahinta Puntlandes heshay

hirshabeelle-1

Puntlandes.com

About The Author