Dhageyso: Dowladda Puntland oo Beesha Caalamka u gudbisay dacwad culus oo ka dhan ah Galmudug

Wasiirka wasaaradda Deegaanka, Duur joogta iyo Dalxiiska Dowladda Puntland Dr.Cali C/lahi warsame, (Puntlandes, Gaalkacyo, Puntland, Soomaaliya)

10 nov 2016 (Puntlantlandes) Dowladda Puntland ayaa Beesha Caalamka u gudbisay dacwad culus oo ka dhan ah maamulka Galmudug oo Jabiyey heshiiskii xabbad joojinta ahaa ee ay wada gaareen Dawlada Puntalnds ayna garwadeen ka ahaayeen UAE iyo UN ka.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka, Duur joogta iyo Dalxiiska Dowladda Puntland Dr.Cali C/lahi warsame, (Puntlandes, Gaalkacyo, Puntland, Soomaaliya)
Wasiirka wasaaradda Deegaanka, Duur joogta iyo Dalxiiska Dowladda Puntland Dr.Cali C/lahi warsame,
(Puntlandes, Gaalkacyo, Puntland, Soomaaliya)

Wasiirka Deegaanka Puntland Dr Cali Cabdullaahi Warsame ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in Beesha Caalamka ay ka qaadaan talaabada ku haboon maamulka Galmudug oo si ula kac ah u Jabiyey xabbad joojintii ay Garwadeenka ka ahaayeen UN ka Iyo UAE .

Wasiir Dr Cali ayaa sheegay haddii laga jawaabi waayo cabashada Puntland inaysan mar dambe dowladda Puntland gacmaha ka laabandoonin duulaanka Qaawan ee maalin kasta lagu hayo shacabkeeda.

Wasiirka ayaa sheegay Xabad joojintii ka dib in maamulka Galmudug uu Madaafiic iyo weerarba ku dilay Shacab reer Puntland ah oo gaaraya isla maalinkii Xabad joojinta ee 8 qof oo shacab ah.

Wasiirka ayaa sheegay in maalintii 7da nov waxay 5 gabar yar oo l12 jir ah iypo Wadaad dadka Nabada ka shaqeeya ah kaasoo ay si FOOLXUN u dillen iyagoo Madaxa ka jaray una soo saaray Dhabarka Maydkii Marxuumka.

Wasiirka ayaa ku sii daray in maalintii 8da Madaafiic ayey magaalada ku garaaceen waxaana dhintay 3 qof iyagoo Madaafiicda ku garaacay Guryo shacab iyo Goobo ganacsi, halka maaniltii ay bishu ahayd 9ka waxay ku soo garaaceen magaalada ku garaaceen iyadoo sababtay dhaawaca 3 qof oo shacab ah.

Dhagayso Dr Cali Cabdulaahi Warsame


Puntlandes.com

About The Author