Sawirro-Sidee Madaxweynaha Puntland Loogu Soodhoweeyey Galkacyo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta 11 Nov, 2016  safar shaqo ugu anba baxay gobolka mudug iyadoo si diirran loogu soo dhoweeyey deegaanka cagaaran iyo magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolkaasi.

Madaxweynaha waxaa safarka ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland iyo masuuliyiin ka tirsan madaxtooyada Dawladda Puntland waxaana safarka madaxweynuhu uu salka ku hayaa xasilinta iyo xakamaynta colaadda ka taagan Magaalada Gaalkacayo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hor intii aanu soo gaarin magaalada Gaalkacayo waxaa uu kusoo hakaday degmada Burtinle halkaas oo uu kulan gaaban kula soo qaatay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.

Kadib markii uu Madaxweynaha Dawladda Puntland soo gaaray deeganka cagaaran iyo magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa soo dhoweyeyey masuuliyiin kamid ah golayaasha Dawladda Puntland, sarakiisha ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanka cagaaran iyo degmada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo dhoweynta kadib warbaahinta la hadlay isagoo uga warbixiyey safarka uu ku tagay gobolka Mudug wuxuuna sheegay in ujeedka safarkiisu uu salka ku hayo sidii loo xallin lahaa xaaladda magalada Gaalkacayo.

” Waxaanu u nimi in magaaladan Gaalkacayo ay hesho xasilooni iyo nabad-gelyo , colaadaas soo noq-noqotayna loo helo xal waara, umadaasina ay kuwada xasilaan kuna wada degenaadaan ujeedka u weyn taas weeye, iyadoo aan filayno in ay Gaalkacayo yimaadaan madaxda kala duwan oo ka tirsan Dawladda Federaalka ah iyo maamulada kale ee dalka, dadku waxay u baahan yihiin nabadgelyo, horumar iyo inay noloshooda si nabadgelyo ku ah ku maareystaan, intii ku dhimatay dagaalka Gaalkacayo alle ha u naxariisto inta dhaawaca ahna ilaahay hasiiyo cafimad deg deg ah “
ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay xaaladda abaarta ee ka taagan guud ahaan dalka, wuxuuna ilaahay Subxaanahu Watacaalaa ka baryey inuu umaddiisa ka dul qaado abaarta daran ee haysata isla markaana uu ugu bedelo barwaaqo iyo roob ay ku wada doogsadaan.

” Dalka waxaa ka jirta abaar saamayn ku reebtay dadka iyo duunyada, colaadda iyo abaartuna waa laba waxyaalood oo alle laga magan galo, ilaahay waxaan ka rajeynaynaa inuu umaddiisa qaboojiyo oo naxariistiisa siiyo , runtii dadku aad bay u dhiban yihiin xooluhuna aad bay u tabar daran yihiin, ilaahay ayaa awoodi kara inuu abaarta inaga dul qaado, waana muhiim inaan ilaahay barino oo ducaysano” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo wafdigiisa ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona magaalada Galkacayo, iyadoo la sugayo madaxda Dawladda Federaalka iyo maamulada dalka si loo soo afjaro xaaladda colaadeed ee magalada Gaalkacayo.


img_3818 img_3821 img_3824 img_3827 img_3828 img_3829 img_3833 img_3834 img_3835 img_3838 img_3840 img_3842 img_3845 img_3850 img_3852 img_3853 img_3860 img_3863 img_3865 img_3866 img_3868 img_3872 img_3877 img_3878 img_3880 img_3881 img_3883 img_3884 img_3886 img_3900 img_3902 img_3905 img_3908 img_3909 img_3919 img_3926 img_3928 img_3944 img_3948 img_3950 img_3952 img_3959 img_3960 img_3965 img_3968 img_3972 img_3979 img_3982 img_3985 img_3991 img_3993 img_3995 img_3998 img_4000 img_4004 img_4008 img_4011 img_4014 img_4016 img_4048 img_4066 img_4073 img_4089 img_4104 img_4111 img_4156 img_4174

Puntlandes.com

About The Author