DAYACA DOWLADDA HOOSE EE DEGMADA GAALKACYO IYO DAREENKA SHACABKA (WQ: Mohamed Abdiwali Hassan)

Mohamed Abdiwali Hassan

Mohamed Abdiwali Hassan
WQ:Mohamed Abdiwali Hassan

Bartimii bishii July ayaa madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas kala diray golihii deegaanka degmada Gaalkacyo ee uu hogaamin jiray Cabdicasiis Jama Nugaal kadib markii sida  lagu sheegay wareegta kasoo baxday Xafiiska Mudane Gaas in ay shaqadoodii gabeen ayna dayacantay lana waayay adeegii dadwaynaha loo qaban lahaa iyo amnigii magaalada oo faraha kabaxay. Isla wareegtadaas ayaa lagu sheegay in muddo 7 beri gudahood ah lagu amray wasaaradda arimaha guduhu inay kusoo dhisto gole deegaan oo ay yeelato degmada Gaalkacyo waxaana xilka si ku meel gaar ah loogu dhiibay Mudane Mohamed Yusuf Tumey oo uu magacaabay madaxwayne Cabdiwali Cali Gaas.

Wasaaradda arimaha gudaha ayaa shaacisay in beeluhu soo xulaan xildhibaano soo doorta duqqa cusub, waxaana magaalada ka bilowday olole ay wadeen ergooyin doonayay ka mid noqoshada golaha cusub iyo qabashada xilka gudoomiyaha degmada. 5 beri gudahood ayaa lagu soo xulay dhamaan xubnihii golaha deegaanka waxaana lagu dhaariyay aqalka madaxtooyada ee magaalada Gaalkacyo waxaana si dhaqso ah loo doortay maamulka degmada Gaalkacyo oo uu ugu horeeyo duqqa degmadu iyo shaqaale hoosaad kale oo la biday inay yihiin kuwa aqoon iyo karti u leh maamullidda dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo

Dadka reer Gaalkacyo ayaa han wayn u qabay in golahaan cusubi wax badan ka badali doono qaabka maamulka degmada qabanna doono adeegyo badan oo bulshadu u baahnayd, xeeldheerayaasha maamulka dowliga ah ayaa filayay in maamulka cusubi soo dhisi doono maamul cusub oo gunta hoose laga soo dhiso kuna dhisan aqoon, karti, maamul wanaag, cadaalad iyo sinaan.

Maamulka cusub ee degmada loo dhisay ayaa isla markiiba la kulmay caqabado dhanka amniga waxaana dowladda hoose lala eegtay qarax wayn oo khasaaro nafeed iyo mid hantiyeedba u gaystay guud ahaan magaalada gaar ahaan dowladda hoose. Maamulkii cusbaa ee loo dhisay inuu wax ka qabto arimaha bulshada ee magaalada ayaa ku mashquulay isdifaacid iyo ka dhuumasho qaraxyo kale oo ay kala kulmaan dhagarqabayaashii dhibkii hore gaystay  taasina waxaa ay keentay in maamulkii degmadu uu noqdo dibad wareeg aan shaqadii loo igdamay waxba ka qaban iyo naf la carar ay ka baqayaan in naftooda wax la yeelo mar labaad, waxaana la waayay xafiis dowladda hoose leedahay oo shaqo qabta iyada oo isla markiiba qaraxii kadib la siiyay dowladda hoose dhisme cusub oo ay ku shaqayso.

Inkasta oo dadka ku nool magaalada Gaalkacyo ay yihiin dad aan arag nidaam dowladeed oo si howlkarnimo iyo hufnaani ku jirta ugu shaqeeya ayaa waxaa ay filayeen in wax badan laga qaban doono baahiyahooda bulsho sida:

  1. Baahinta mamaulka degamda: Ku xeeldheerayaasha maamulka dowliga ah ayaa filayay in dowladda hoose shaqadeeda koowaad ka bilaabi doonto baahinta maamulka degmada lana wada gaarsiin doono dhamaan xaafadaha iyo laamaha degmada iyada oo la dhisi doono gudiyo xaafadeed ka shaqeeya laamaha kala duwan ee xaafada iyo fulinta baahiyaha xaafadda. Tusaale
  • Dhisidda maamulka xaafadaha: in la soo dhiso maamulkii xaaafadaha iyada oo xaafadaha loo kala jajabinayo aagag kala duwan oo mid walbaa leeyahay maamulkiisa iyo xarumihiisa shaqo, loona awood siinayo in madaxda xaafaduhu iyo laamuhu la yimaadaan qorshayaashooda shaqo, sida kicinta ilaha dakhliga ee laanta/xaafadda, soo bandhigistsa baahiyaha xaafadda/laanta, fulinta mashaariicda isku tashiga ee xaafadda iyo kuwa kale oo badan
  1. Abuurista guddiyada maamulka degmada: Maamulka dowladda hoose ayaa looga fadhiyay inay soo dhisaan guddiyo kala duwan oo ka shaqeeya arimaha bulshada sida:
  • Dhisidda iyo ka shaqay siinta gudiga arimaha bulshada: caafimaadka iyo nadaafadda,
  • Dhisidda iyo ka shaqay siinta gudiga qiimaynta iyo dabagalka: Sida qiimaynta iyo dabagalka mashaaricda la fuliyay, qiimaynta iyo dabagalka fulinta shuruucda iyo ilaalinta shuruucda dowladda hoose
  • Dhisidda iyo ka shaqay siinta gudiga arimaha amniga degmada: dhisidda ciidanka ilaalada deegaanka ee xaafadaha iyo laamaha magaalada,
  • Dhisidda iyo ka shaqay siinta gudiga soo gudbinta iyo qiimaynta baahiyaha degmada: sida gudiga qiimaynta baahiyaha xaafadaha iyo baahiyaha degmada
  • Dhisidda iyo ka shaqay siinta gudiga baahinta maamul wanaagga: dhisidda gudiga baahinta maamul wanaagga, isla xisaabtanka, qiimaynta iyo dabagalka iyo hufnaanta shaqo
  • Dhisidda iyo ka shaqay siinta gudiga dejinta xeerarka iyo shuruucda habka maamul shaqo ee degmada Gaalkacyo, sida dejinta siyaasaddaha abuurista ilaha dhaqaalaha iyo siyaasadda maamulidda dakhliga
  • Dhisdda Xafiiska tayaynta iyo kobcinta: dhisidda waaxda tayaynta iyo kobcinta nidaamka shaqada dowladda hoose, shaqaalaha dowladda hoose,

Dhamaaan qodobada kor ku xusina waxaa ay laf dhabar u yihiin nidaamka shaqada dowladda hoose ee degmada waana arimo ay tahay inay fuliyaan maamulka degmadu iyaga oo kaashanaya shacabka degmada iyo maamulka sare ee heer gobol. Waxaase ayaan darada dhacday noqotay iskadaa in intaas la qabtee laba waayo wax la yiraahdo ‘’DOWLAD HOOSE’’ oo  leh meel loogu hagaago leh ama xafiisyo shaqo oo dadwaynaha u adeega.

Maamulka dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo ayaa noqday mid dhexda u galay carqalado badan oo gudaha iyo dibaddaba laga soo abaabulay sida dagaalo ka dhacay magaalada Gaalkacyo, iyo maamulka oo magan u noqday kooxo u abaabulan inay xoolaha umadda si hoose u cunaan, sida (Odayaal iyo qandaraaslayaal) gacanta ku dhigay maamulkii cusbaa ee degma kana dhigtay boorso markii ay rabaan furtaan kalana baxaan hantida umadda si aan sharciga waafaqsanayn.

HOWLGABNIMADA WAAXYAHA DOWLADDA HOOSE

Waaxyaha ama laamaha dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo ayaa noqday kuwa fadhiid ah oo gabay shaqadii loo igdamay ka dib markii madaxda waaxyuhu noqdeen dad aan lahayn aqoon iyo karti ay ku fuliyaan shaqada loo igmaday, madax xafiisyada waaxyaha dowladda hoose ayaan ahayn kuwa lagu soo xusho “Maxaa taqaan oo tari kartaa” balse noqday kuwa lagu soo xusho hal hayska maamulka degmada Gaalkacyo ee “Wax mawada cuni karnaa”. Shaqaalaha madax xafiisyada ayaa badanaa waxaa keensada shaqada degmada odayo  beeleedyo watta wiilal ay wax kaga cunaan xafiisyada dowladda hoose iyo inay kaga faaiidaystaan mashaariicda deeq bixiyayaashu keenaan.

Xubnaha loo xulay ka mid noqoshada golaha deegaanka degmada Gaalkacyo ayaa lagu soo xulay kaliya inay waxbarashada ka gaareen dugsi sare iyo inay aamin yihiin, labadaan sifo ee lagu saleeyay soo xulista xubnaha golaha degmada ayaa keentay in la waayo dad ay u dheertahay aqoonta iyo amaanadu karti shaqo fulineed oo ay kaga miradhaliyaan waajibaadka loo igmaday. Xubnaha golaha deegaan ayaa noqday kuwa ka gaabshay shaqadii loo igmaday waxaana dhuntay rajadii laga qabay inay isbadal maamul wanaag ka hirgaliyaan degmada Gaalkacyo.

DAREENKA SHACABKA

Dadka ku  nool degmada Gaalkacyo ayaa rajo wayn ku qabay dhismihii golaha deegaanka iyo maamulkii cusbaa ee loo doortay, dadka ayaa aaminsanaa maadaama loo doortay maamulka cusub dhalinyaro qurbaha ka timid oo la bidayay inay aqoon iyo xirafado kala yimaadeen wadamadii magan galyada siiyay in ay gaarsiin doonaan shacabka degmada adeegyada ay u baahnaayeen iyo baahinta maamulka dowliga.

Dadka ku nool degmada Gaalkacyo ayaa hadda ka quustay kana rajo dhigay waxqabad ay la timaado dowladda hoose ee degmada iyo ay kasii darayso ama hoos usii dhacayso rajada laga qabo isbadal uu la yimaado maamulka degmadu gaar ahaan iyo guud ahaan golaha deegaanka ee dhawaan loo dhisay magaaladu.

 

Gunaanad

Dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo waxaa ay u baahan maamul iyo madax leh hal abuur hogaamineed oo horseeda horumar iyo nidaam dowladnimo oo ka hirgala magaalada Gaalkacyo.

 

WQ: Mohamed Abdiwali Hassan
Galkacyo Puntland Somalia
Email: mabdiwalli@gmail.com  
 

About The Author