RW Cumar oo Nairobi kasoo baxay kuna wajahan Galkacyo & Axmed Madoobe oo Kismanyo kasoo raacaya

12 nov 2016 (Puntlandes) Raysul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa saaka ka soo baxay agaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu ku sugnaa, isagoo ku wajahan magaalada Gaalkacyo oo la filayo inuu ka furmo kullan lagu soo afjarayo Dhibaatada ku soo noqnoqotay magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug.

217-8l

Raysul Wasaare Cumar ayaa kusoo hakan doona magaalada Kismaayo halkaas oo uu kasoo raaci doono madaxweynaha Jubaland Axed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).

Raysul Wasaare Cumar iyo madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la filayaa inay qayb ka noqdaan xal u raadinta ama soo afjarida Dhibaatada Gaalkacyo.

Wararka Gaalkacyo kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author