DEG DEG: RW Cumar oo soo gaaray Galkacyo una Gudbay Xaafadda BARAXLEEY

12 nov 2016 (Puntlandes) Wafdigii uu hogaaminayey Raysul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa soo Garoonka Cabdulaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo, isagoo qayb ka noqonaya kullan lagu soo afjarayo Dhibaatada ku soo noqnoqotay magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug.

bn

Raysul Wasaare Cumar ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyey madaxweyanaha dawlada Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, mas’uuliyiin dawlada Puntland ka tirsan iyo qaar ka id ah Waxgardka Gaalkacyo.

Raysul Wasaare Cumar ayaa isla markii uu soo dagayba waxa uu u gudbay dhinaca Xaafada Baraxleey ee Galmudug si u soo kaxeeyo Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo halkaas ku sagayey in laga soo Kaxeeyo.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Ciidanka Difaaaca Puntland oo si habsami ah u sugaya Amaanka guud ahaan Gaalkacyo iyo Garoonka Cabdulaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo ay amar ku siiyeen Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed in uu san soo kaxaysan wax ciidana stafkiisa qaaskaa maahane oo kooban maahee.

Wararka Gaalkacyo kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author