Daawo sawirrada Garoonka Abdulahi Yusuf ee Galkacyo oo la filayo inuu goor dhow ka furmo kullan xal loogu raadinayo Dhibaatada Galkacyo

12 nov 2016 (Puntlandes)  Ilaa iyo hada waxaa soo gaaray Garoonka Cabdulaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Somaliya Michael Keating, Midowga Afirca iyo IGAD iyo Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayey Raysul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

232-3a7

Raysul Wasaare Cumar ayaa isla markii uu soo dagayba waxa uu u gudbay dhinaca Xaafada Baraxleey ee Galmudug si u soo kaxeeyo Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo halkaas ku sagayey in laga soo Kaxeeyo.

Waxa la filayaa inuu dhawaan halkaasi ka furmo kullan ballaaran oo Xal waara loogu raadinayo dhibaatada Magaallada Gaalkacyo iyo Gobolka Mudug ku soo noqnoqotay.

Dhanaka kale waxaa Garoonka Cabdulaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo oo ay Puntland u qorshaysay inuu kullanku ka dhaco kullan hor dhac ah ku yeeshay Madaxaweyne dawlada Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Somaliya Michael Keating.

232-3a3

232-3a4

232-3a5

232-3a6
232-3

232-3a

232-3a1

232-3a2
Puntlandes.com

About The Author