MAQAAL: Hawada Soomaaliya maxaa callaal ka dhigay?

232-3b

Wakaaladda CACAS waxay ka bilowday maamulidda hawada Soomaaliya xarun ay ka kiraysatay xaafadda Giri-giri ee magaalada Nairobi, xilli Soomaalidu ku hawlanaayeen shirarkii lagu habaabinayay ee loogu magac-daray dib u heshiisiinta, iyada oo aanay jirin maamul guud oo gabollada dalka Soomaaliya ku mideysan yihiin. Jaah-wareerkii dalka ka jiray waxuu fursad qaali ah iyo marmarsiiyo u noqday in CACAS ka gaabiso hawlahii loo xilsaaray, sida diyaarinta sharuucdii duulista, tababarkii shaqaalaha,  dayactirka iyo qalabka garoomada. Wakaaladda oo ka faa`iideysaneysa qeybsanaata Soomaalida iyo xarunteeda durugsan, waxay dhagaha ka fureysatay cabashooyin badan oo maamullada dalka ka jiray sida Puntland, Somaliland iyo dowladihii  ku-meel-gaarka ahaa ay ku muujiyeen waxqabad la`aanta CACAS.

14/04/2009, Wasiirkii koowaad ee dowladdii ku-meel-gaarka ahayd  wuxuu u diray warqad xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay, wuxuuna ugu sheegay “That the mandate of  ICAO to provide services in the Mogadishu FIR has lapsed with the establishment of an internationally recognized government, and therefore, the flight information center should operate under their authority”. Nuxurka warqaddu waxuu ahaa “ Waxaa dhammaaday wakhtigii ay ICAO maamuli laheyd hawada Soomaaliya (Mogadishu FIR) maadaama la dhisay dowlad beesha Caalamku aqoonsan tahay, marka waxaa loo baahan yahay in hawlaha hawada lagu soo celiyo  gacanta Soomaaliya”.

Markii ay bateen dacwooyinkii Soomaalidu ka gudbinayeen CACAS, waxaa hayadda ICAO ay magacawday guddi soo baara waxa ka jira cabashooyinka iyo waxqabadka CACAS. Kooxdaas waxay kormeer ku tageen Xamar11/11/2011, Hargeysa 15/11/2011 iyo Garoowe 21/11/2011  si ay u dhageystaan mas`uuliyiintii ay goobahaas ku la kulmeen.

Markii la soo uruuriyo nuxurkii dooddii ay Soomaalidu soo ban-dhigeen waxay ahaayeen kuwo aan isku dhinac u jeedin, dareen mideysan na uusan ka muuqan.

Aragtidii dowladdii ku-meel-gaarka ahayd waxay aheyd “ Hay`dda duulista iyo  Saadaasha hawada Soomaaliyeed (SCAMA) waxay mas`uul ka tahay guud ahaan duulista Soomaaliya, sida maamulka iyo maareynta, maamulka hawada iyo hawlaha adeegyada garoomada dalka. Aragtidaani waxay ku qotantaa in Xamar tahay Caasimaddii dalka, khasbna ay tahay inay SCAMA ay xarun u noqoto.

Aragtida taal Xamar waxaa mid aad uga fog qaba Wasaarada duulista Somaliland oo ku tilmaamay waxaan  suuragal aheyn in Xamar loo soo wareejiyo hawlaha CACAS ay ku heyso Nairobi oo aanay marna aqbaleyn in  garoomada iyo hawada Somaliland laga  maamulo Mogadishu FIR. Intaa waxay ku dartay wasaaraddu in aanay ku qanacsaneyn waxqabadka wakaaladda CACAS.

Wasaaradda duulista Puntland waxay guddigii u sheegtay in CACA ka gaabisay hawlihii loo xilsaaray, sida dayactirka, qalabeynta iyo horumarinta adeegyada garoomada. Sidaas oo kale, waxaa wasaaraddu ku doodday in la qeybiyo maamulka hawada iyo dhaqaalaha ka soo xarooda adeegyada loo qabto diyaaradaha mara hawada Soomaaliya.

 

Gunaanadkii qeybtaan:

Akhriye haddii qormadan taxana ah ay kugu dhaliso su`aalo, waxaan ku xusuusinayaa inaad dhageysatid gabaygii dardaaran1 ee Sayid Max`ed Cabdelle Xasan iyo kii “Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane”2 ee abwaan Timecadde ee xumaanta qabyaaladda.

____________________

1lifaaq: http://farshaxan.com/Gabayaa/timacade.html

2Lifaaq: http://www.doollo.com/mainpage/maqal/Sayid%20Maxamed/4%20Dardaaran%201.mp3

Maxaa xigay

La soco qeybta 4

Qore: Shakib Dhowre

Tel: +25290-7686796

E-mail: shakibdhowre@ymail.com

Koowaa: MAQAAL: Hawada Soomaaliya maxaa callaal ka dhigay?

Labaad: Maqaal: Hawada Soomaaliya maxaa callaal ka dhigay?

Daabacaadii Puntlandes.com

About The Author