Sawirro: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Maalintii Labaad Shir Gudoomiyey Kulanka Nabadaynta Magaalada Gaalkacayo

13 November, 2016  Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta mar kale shir gudoomiyey kulankii nabadaynta magaalada Gaalkacayo, kulankaas oo la doonayo in xal waara looga gaaro xaalada magaalada.

Shirka nabadaynta magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada iyo qaar kamida wax garadka magaalada Gaalkacayo.

Sidoo kale waxaa iyaguna qayb ka ahaa shirka nabadaynta Magaalada Gaalkacayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweyanaha Maamulka Galmudug iyo masuuliyiin ka mid ah maamulkaasi.

Kulankan oo Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu shir gudoominayey ayaa waxaa lagu ansixiyey guddi ka kooban 18-xubnood oo labada dhinac ah, waxaana loo xilsaaray inay ka shaqeeyaan nabadaynta iyo ilaalinta xabad joojintii shalay lagu dhawaaqay, isla markaana ay qiimayn  ku sameeyaan sida ugu wanaagsan ee looga gudbi karo xasilooni iyo nabad gelyo waarta.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo khudbad ka jeediyay furitaankii shirka ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacayo ay waajib ku tahay inay ilaashadan walaalnimada iyo deris wanaaga ka dhexeeya, isla markaana ay u jihaystaan jidka horumarka iyo xasilinta nabadda.

” Waxan isugu nimi inaan sii anba qaadno wada hadalkii shalay halkan inooga furmay oo ahaa inaan ka shaqayno in magaaladani ay magaalo xasiloon noqoto, dadka shacabka ah ee ku nool Gaalkacayo oo ay isugu darsantay colaadda iyo abaartu in aynu ka damqano dhibaatada haysata, nabadda ka shaqayn-teeda waxay waajib ku tahay qof kasta oo ku nool magaalada Gaalkacayo iyo guud ahaan Soomaaliya”
ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa dhankiisa tilmaamay in ay ku faraxsan yihiin qaabka wanaagsan ee uu u socdo shirka nabadaynta magaalada Gaalkacayo ” Waxaan ku faraxsanahay sida wanaagsan ee loo anba qaadayo kulankan lagu xallinayo colaadda Gaalkacayo, sidii shalay aan ku heshiinay waxay ahayd in guddiyadii howshan xalkeeda dooni lahaa lasoo magcaabo waana fulinay, waxaana rajaynayaa in gudiyada labada dhinac ah ay ka shaqeeyaan sidii xal waara loogu heli lahaa colaadda Magaalada Galkacayo” ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo isaguna shirka ka hadlay ayaa sheegay in laga shaqeeyo sidii loo soo celin lahaa bulshadii magaalada ka qaxday  ” waxaa muhiin ah in dadkii ka barakacay magaalada Gaalkacayo aan ka shaqayno sidii ay magaalada ugu soo laaban lahaayeen, waxaan rabnaa inaan masuuliyad gaar ah iska saarno in dhibaatada Gaalkacayo aysan mar danbe soo noqon haddii ilaahay yiraahdo” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Soomaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa si wada jir ah uga hadlay xaaladda abaaraha ee ka taagan dalka, waxayna bulshada Soomaaliyeed ilaahay uga baryeen inuu siiyo barwaaqo iyo raxmad ay kaga baxaan abaarta dabada dheeraatay ee ka taagan Soomaaliya, waxayna beesha caalamka ugu baaqeen in si deg deg ah loogu gurmado dadka ay abaartu saamaysay.
Guddiga labada dhinac ee loo magcaabay xallinta dhibaatada magaalada Gaalkacayo ayaa intii kulanku socday waxay wada qaateen shir u gaar ah iyagoo ka arrinsaday sidii ay u samayn lahaayeen qorshe diyaarsan oo ay ku wajahaan soo afjaridda colaadda magaalda Gaalkacayo, waxayna isla qaateen in ay dib ugu laabtaan bulshada iyo ciidamada labada dhinac isla markaana ay ku wacyi-geliyaan in si wada jir ah loogu howl galo xasilinta iyo nabadaynta Magaalada Gaalkacayo, kadibna ay dib isugu soo laabtaan si hore loogu sii anbaqaado qorshaha xasilinta magaalada Gaalkacayo.

 

img_9124 img_9128 img_9146 img_9147 img_9154 img_9158 img_9161 img_9163 img_9165 img_9167 img_9168 img_9171 img_9174 img_9176 img_9182 img_9183 img_9188 img_9191 img_9194 img_9200 img_9202 img_9204 img_9210 img_9213 img_9218 img_9222 img_9225 img_9237 img_9240 img_9243 img_9247 img_9252 img_9263 img_9272 img_9278 img_9282 img_9287 img_9291 img_9294 img_9297 img_9306 img_9330

Puntlandes.com

About The Author