Daawo Barnaamij Gaar ah oo ku saabsan Dhismaha wejiga labaad ee Wadada Eyl & Dangorayo

14 nov 2016 (Puntlandes) Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiim C/laahi Xaaji Cumar Camey oo hogaaminayey wafdi ballaaran oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, Xildhibaano iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa maanta Daahfuray Wajiga labaad ee wadada Eyl iyo Dangorayo ee Gobolka Nugaal.

232-3c1

Ugu horayn waxaa munaasabadda ka hadlay Gudoomiyaha Guddiga dhismaha wadada Eyl iyo Dangorayo ee Gobolka Nugaal Aasan Gaadaale, isagoo sharaxaad dheer ka bixiyey shaqada adkayd ee ay ka qabteen Wadadan iyo inay ku timid dadaalkii madaxweynaha ee ahaa “Puntland ha isku Tashato”.

Muddo 4 bilood ah ayey kusoo dhameeyeen wadadan Guddigii dhisayey wadada ee Sheekh Gaadaale uu madaxda u yahay.

Sheekh Gaadaale iyo dhamaan reer Nugaaleed aad iyo aad bay ugu amaanan yihiin shaqada ay ka qabteen wadadan oo faa’iido aan lasoo koobi karin u ah dhamaan reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Daawo Barnaamij Gaar ah oo ku saabsan Dhismaha wejiga labaad ee Wadada Eyl & Dangorayo

Puntlandes.com

About The Author