Sawirro: Madaxweyne Gaas oo Booqday Dadkii ay Dhaawacyadu Kasoo Gaareen Dagaalkii Magaalada Gaalkacayo

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 14 Nov, 2016 wuxuu Cisbitaalka guud ee magaalada Gaalkacayo iyo Cisbitaalka GMC ku booqday dadkii shacabka ahaa ee dhaawacyadu kasoo gaareen dagaaladii u danbeeyey ee ka dhacay Magaalada Gaalkacayo.

Madaxweynaha waxaa booqashada uu ugu tagay dadkii dhaawacmay ku weheliyey masuuliyiin kamid ah golayaasha Dawladda Puntland, dhakhaatiirta iyo bahda caafimaadka, qaybaha kala duwan ee bulshada, saraakiisha ciidamada iyo masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Dadka dhaawacyadu kasoo gaareen dagaaladii magaalada Gaalkacayo ee u danbeeyey ayaa qaba dhaawacyo fudud oo dalka wax looga qaban karo, waxaana lagu dabiibayaa Cisbitaalka guud ee magaalada Gaalkacayo iyo Cisbitaalka gaarka loo leeyahay ee Galkacayo Mecical Center “GMC”, waxaana bahda caafimadku ay dedaal dheer u galeen sidii loo daweyn lahaa dadka ku dhawaacmay dagaalada Gaalkacayo iyagoo inta badan ku guulaystay inay daweeyaan.

Madaxweynaha ayaa intaasi kadib kulan la qaatay masuuliyiinta iyo dhakhaatiirta Cusbitaalka Guud ee magaalada Gaalkacayo, waxaana uu Madaxweynuhu ka waraystay xaaladda dadka shacabka ah ee ku wax yeeloobey dagaaladii u danbeeyey ee ka dhacay magaalada Gaalkacayo, sidoo kale waxaa iyaguna qayb ka ahaa kulanka gudiga dib u dhiska Cusbitaalka Guud ee Gaalkacayo waxayna dhankooda ka xog warameen meesha ay wax u marayaan iyo waxyaalaha uga qabsoomay dib u dhiska Cisbitaalka..

Wasiirka Caafimaadka Dawladda Puntland ayaa dhankiisa sheegay in hawlwadeenada cubitaalka Gaalkacayo iyo Cisbitaalka GMC ay si wanaagsan ugu heelan yihiin u adeegidda shacabka gaar ahaan dadka dhaawacyadu ka soo gaadheen dagaaladaasi ee ay xaaladooda caafimad gacanta ku hayaan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa dhakhaatiirta caafimaadka ee Gobolka Mudug ku amaanay sida wanaagsan ee ay shacabka ugu dedaalayaan wuxuuna tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay dagaalada, sidoo kale Madaxweynaha ayaa cafimaad u rajeeyey dadkii ay dhaawacyadu kasoo gaareen dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacayo.

img_9357 img_9366 img_9367 img_9369 img_9372 img_9374 img_9375 img_9376 img_9378 img_9380 img_9383 img_9384 img_9387 img_9388 img_9399 img_9413 img_9419 img_9427 img_9441 img_9444 img_9457 img_9459 img_9463 img_9477 img_9481 img_9485 img_9486 img_9493 img_9501 img_9509 img_9511 img_9526 img_9531 img_9534 img_9537 img_9543 img_9544 img_9546 img_9549 img_9556 img_9558 img_9567 img_9574 img_9585 img_9603 img_9610 img_9613 img_9615 img_9621 img_9624 img_9631 img_9633 img_9640 img_9647 img_9655 img_9663 img_9665 img_9667 img_9669 img_9672 img_9673 img_9674 img_9680 img_9685

Puntlandes.com

 

About The Author