XOG RASMI AH: Wada hadaladii Gaalkacyo ka socday & Keating oo laga sugayo halkaas

15 Nov 2016 (Puntlandes) Wada hadaladii Nabadaynta Gaalkacyo iyo xal u helida dhibaatada soo noqnoqatay ee ka socday magaalada Gaalkacyo ayaa waxay gaareen meel ay dhana u socon kari waayeen.

230-3a5

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Raysul Wasaaraha xukuumadda muddo xileedkeedu dhamaaday ee DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke inuu maarayn kari waayey xal u helida Colaada Gaalkacyo, isagoo ay u suurto geliwayday Qorshe uu wadatay oo ay aaminsanaayeen dadka wax odorasa mid uu Yoolka ku saarayey xilka uu doonayo ee madaxtinimada Soomaaliya ee la filayo inay Dooshadiisu dhacdo dhawaan.

Heshiiskii 12ka nov & Kullanka Kismayo

Shacabka labada dhinac oo filayey iskuna diyaariyey wada hadalo xal rasmi ah looga gaaro dhibaatada Gaalacyo ee soo noqnoqotay ayaa wuxuu ku noqday Heshiiskii 12ka nov ee la sheegay in la isku raacay Garoonka Diyaaradaha ee Cabdulaahi Yuusuf filan waa iyo qaadan waa kadib markii Qadar yar ka dib la shaaciyey in lagu Heshiiyey in Kismaayo la isugu tago 20ka bishan aynu ku jirno oo ku beegan Axada soo socota.

Shacabka labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug way biyo diideen in meel aan Gaalkacyo ahayn xalka Gaalkacyo loo aado, iyagoo doonaya in lagu xaliyo Gaalkacyo.

Odoyaasha iyo waxgaradka magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa isla habeenkii Sabtida ee Axadu soo galaysay waxay la kulmeen Raysul Wasaare Cumar iyagoo si Waafi ah ugu sheegay sida ay wax u rabaan iyo inay u arkaan inuusan Cumar dhexdhexaad ka ahayn xal u helida Dhibaatada Gaalkacyo isagoo Doorasho inuu ku galo Gaalkacyo doonaya.

Keating oo laga sugayo Magaalada Gaalkacyo

Odoyaasha iyo waxgaradka magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa waxay dalbadeen inuu yimaado si ay ula hadlaan Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Michael Keating.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in laga sugayo Magaalada Gaalkacyo Amb. Keating uuna kusoo aadan yahay Gaalkacyo maalinimada berri oo talaado ah.

Maxaa kasoo baxay kullankii shalay ee Guddigii labada dhinac?

Waxaa shalay Raysul wasaare Cumar uu uga dhawaaqay Garoonka Diyaaradaha ee Cabdulaahi Yuusuf guddi min 9 xubnood ka kooban oo ay soo magacaabeen madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.

Guddigaas ayaa isla markiiba waxay ku kulmeen garoonka waxaana wada hadalkoodii kusoo dhammaday is afgarad la’aan sida ay ogootay Warbaahinta Puntlandes.

Guddigii ka socday dhanka Galmudug ayaa waxay soo jeediyeen sidii caadada ahayd in kala qaado Ciidamada iyagoo ku doodaya in Ciidamada meelihii ay ka yimaadeen lagu celiyo.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Guddigii ka socday dhanka Puntland uu ku gacansayray soo jeedinta Galmudug waxayna si cad u sheegeen in Ciidanka Puntland uu ku sugan yahay dhulkooda iyo dhankooda ayna joogaan guryahoodii aysana jirin meel kale oo la gaynayo.

Arintaas way liqi kari waayeen Guddigii Galmudug ka socday muddo dherer oo isjiid jiid ah ka dibna waxaa la isku raacay inay Saxaafadda u jeediyaan inay kusoo heshiiyeen in ay Ciidamadooda iyo dadkooda talo kula noqdaan ayana wada hadalada sii wadaan maalinka berri ah oo ah maanta, iyagoo ku kulmaya Garoonka Diyaaradaha ee Cabdulaahi Yuusuf.

RW Cumar & la Kullankiisii Odoyaasha xaafadda Baraxleey

Raysul Wasaare Cumar ayaa xalay u hoyday xaafadda Baraxleey ee koonfurta Gaalkacyo isagoo halkaas kulla Kulmay Odoyaasha iyo Waxgaradka xaafadaas.

Kullanka Cumar iyo Odayaasha ayaa kusoo dhamaaday is afgaran waa kadib markii ay odoyaashu ku eedeeyeen inuusan djhexdhexada ahayn ayna ka diideen inay la kulmaan Odoyaasha dhanka Waqooyi.

Kullankii maanta lagu balamay ee gudiyada labada dhinac

Ma qabsoomin kullankii maanta lagu balansanaa ee guddiyada labada dhinac ee shalay ku balamay inay maanta kulmayaan.

Sababta uu kullanku la baaqday ayaa loo aanaynayaa Galmudug oo wayday wixii ay doonaysay oo ahayd in Ciidamada la qaado kadibna ay laba guddi oo labada maamul ka socda ay ka wada hadlaan sidii xal waara loogu heli lahaa taasoo ah aan si khasab ah dhaqaale idiinka helno.

Odoyaasha iyo waxgaradka magaalada Gaalkacyo oo midaysan waa ay diideen damaca maamulka Galmudug uu watay, waxayna si cad cid walba ugu sheegeen:

  • In marka hore ay wadahadlaan Odoyaasha iyo waxgaradka labada dhinac ayna keenaan xal waara.
  • In la sameeyo Xuduud cayimana oo u dhaxaysa labada maamul.

Kullankii Cumar & Odoyaasha magaalada Gaalkacyo ee maanta

Raysul Wasaare Cumar ayaa maanta la qaatay kullan Odoyaasha iyo waxgaradka magaalada Gaalkacyo iyo Guddiga Puntland, isagoo ka codsaday in ay ogolaadaan dalabka maamulka Galmudug ee ah in Ciidamada la qaado.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in dalabkii Raysul Wasaare Cumar ay diideen Odoyaasha iyo waxgaradka magaalada Gaalkacyo iyo Guddiga Puntland, iyagoo sheegay inay u baahan yihiin xal waare iyo in aan maalin walba la qaxin maatada, caruurtana aan la dhigin waxbarasho la’aan.

Warbaahinta Puntlandes oo la hadashay qaar ka mid ah Shacabka magaalada Gaalkacyo ayaa ogaatay inay doonayaan xal waara ee aysan diyaar u ahayn Riwaayad la jilo iyo in sadex bilood kasta la qixiyo caruurtooda iyo maatadooda.

Hadalada ugu badan ee maalmahan ay Shacabka reer Gaalkacyo isla dhex marayeen ayey Warbaahinta Puntlandes usoo gudbinaysaa Akhristayaasheeda:

  • Shalay Dhismaha Wadadayadii ayaa nalakula dagaalamay oo lagu qaxiyey maatadayadii
  • Maanatana Xaafadda garsoon Laanta 2aad ma dhisan kartaan ayaa Dagaal naloogu soo qaaday
  • Barrina Mudug ka guura miyaa nalagu soo weererin?
  • Qaadan mayno wax aan xal waara ka ahayn
  • Waa in la calaamadiyaa Xuduuda noo dhaxay naga iyo Galmudug
  • Gaalkacyo maaha Madashii Xamar ee waxay taladeedu ka go’daa dadkeeda!
  • Ma ogolin in Gaalkacyo Doorasho lagu galo

 

Wixii kusoo kordha shirarka Gaalkacyo kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author