Gaalkacyo: Wararkii ugu danbeeyey ee Nabadaynta Gaalkacyo iyo Xabad joojintii oo qarka usaaran inay burburto.

Magaaladda Gaalkacyo oo maalmahaan ay ka socdaan dadaalo looga golleeyahay sidii xal logu heli lahaa colaada soo laalaabatay, haatan waxaa ay marayaan meel xasaasi ah.

Dadaalada oo u socda si Sadex geesood ah ayaa waxaa kuwada jira DF, Puntland iyo Galmudug, iyada oo haatan dadaaladii qaar guul laga gaaray halka kuwo kalana aan wali wax guul ah oo la taaban karo laga Gaarin.

Gudigii Xabad joojinta:

Gudigii xabad joojinya loo xilsaaray ayaa shalayto, waxaa ay la kulmayeen ciidamada labada dhinac, iyada oo qolo kastaa dhinaceeda soo wacyigalinaysay si loo joojiyo xabada, inkasta oo Subaxdii hore oo dhan ay rasaas ridayeen Ciidanka Galmudug. misana ugu danbayntii waa ay joogsatay.

Hase yeeshee Saaka subaxnimadii hore ayaa ciidank Galmudug waxaa ay soobilaabeen hoobiye kaas oo ay la eeganayeen Difaaca ciidank Puntland, mana jirto wax jawaab ah oo ay ciidanku ka bixiyeen rasaastaas.

Cumar C/rishiid.

Raysal wasaare Cumar C/rishiid ayaa walaac badan ka muujiyey kulamo uu la yeeshay dhinaca Galmudug, Rasaysal wasaaraha ayaa labadii maalmood ee ugu danbaysay kulamo la lahaa, Saraakiisha ciidan, odayaasha iyo maamulka Galmudug, isaga oo doonayey in ay isla fahmaan Qodobada runta ah ee ubaahan in laga doodo si xal looga gaaro.

Galmudug ayaa ku adkaysanaysa in ciidanka lakala qaado, Halka Puntland ay rumaysantahay in aan ciidanka lakala qaadi karin ilaa lagaaro hishiis dhab ah, maadama ay shaki weyn ka qabto weeraro Gaadmo ah oo ay maagantahay Galmudug iyo maleeshiyaadkaas oo aan toos uga amar qaadan maamulka Galmudug.

Raysal wasaare Cumar ayaa xal kala’a Galmudug, si hishiiska loosii wado, waxaakale oo ilo ku dhow dhow noo xaqiijiyeen in ay Galmudug ku eedaysay in uusan Dhex dhexaad ka ahayn arinta Gaalkacyo.

Lasoco wixii kasoo kordha

 

About The Author