Gaalkacyo: Wasiirka Caafimaad Dowladda Puntland oo xariga ka jaray qaybaha la dayac tiray (SAWIRRO)

Wasiirka caafimaad dowladda Puntland oo maanat kor meeray Isbitaalka Weyn ee Gobolka Mudug, oo bur bur xooglihi kasoo gaaray rixii ka dhacay Gaalkacyo bishii August ayaa maanta waxaa uu xariga ka jaray qaybihii ugu muhiimsanaa Isbitaalka oo haatan la dayac tiray.

Wasiirka ayaa aad u amaanay ummadda Puntland iyo dhamaan tan Soomaaliyeed, waxaana uu dhamaantood ugu mahad celiyey sida dag dagaa ee ay uga soo jawaabeen baahida Isbitaalka, oo ah mid muhiim u ah dhamaan Ummadda Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale Gudiga ku amaanay in ay ka jawaabayaan su’aasha ay markasta Qurbajoogto is waydiiyaan ee ahayd, lacagtii maxaa lagu qabtay?

Wasiirka ayaa ugu danbayntii xariga ka jaray dhamaystirka, Wajigii koowaad ee dayactirka isbitaalka weyn ee Gobolka Mudug, waxaana uu sheegay in uu rajaynayo, in qaybaha kale ee Haray ay ee ah Dayactirka iyo dib u dhiska, uu filayo in iyagana dhawaan la xarig jari doono, isaga oo ku kalsoon kartida gudiga, iyo gacan furnaanta Qurba joogta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Reer Puntland.

Pro.Maxamed Jaamac Salaad ayaa ku dheeraaday amaanta iyo ducada dadkii wax lasoo baxay, isaga oo sheegay in ay lacago badni soo dheceen Maalmahaan, sidoo kalana ay ku badan filayaan, walina ay fariin u dirsanayaan, shacabka Soomaaliyeed Dal iyo dibadba.

Sawirro.

img_1742 img_1744 img_1753 img_1763 img_1764 img_1765 img_1773 img_1777 img_1779 img_1783 img_1789 img_1792 img_1794 img_1804 img_1812 img_1817 img_1820

 

 

About The Author