BREAKING NEWS: Puntlandes.com oo heshay CADAYN ah Xasan Sheekh oo EEX Qabiil ugu hiiliyey Hobyo kana hiiliyey Galgaduud & Puntland!!

16 nov 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay heshay Qoraal kasoo baxay African Development Bank, kaasoo tilmaamaya Shaxda Mashaariicda Horumarineed ee Soomaaliya uu ka hirgelinayo Bankigu.

232-1b3

Warbin ay DFS ka diyaarisay Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay meel istiraatiiji ah magaalada ugu weyna ay tahay qaybta koonfureed ee magaalada Gaalkacyo iyo magaalada Cadaado, iyo inay inuu leeyahay xeebta aad u dheer.

Warbinta DFS ee maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in Baddu ay aad ugu dhow dahay Soohdinta Itoobiya ee maamulka Galmudug, iyadoo ah masaafo la mid ah mida Berbera.

Warbinta DFS ayaa soo jeedisay in Deked cusub la siiyo mudnaanta taasoo u dhexaysa Muqdisho iyo Boosaaso, oo ay jirto baahida loo qabo in ay ku xidhmaan xeebaha leh ay dhulka miyiga, si ay u ka qayb qaataan, iyo sidoo kale lacagta ka, horumarinta. Sidaa darteed waxaa lasoo jeediyey in la abuuro waddada u dhaxaysa Soohdinta Itoobiya, Gaalkacyo iyo Dekedda Hobyo.

Xasan Sheekh ayaa u qaybiyey 50.5 miljan ee Doolar ee loogu talagalay Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Mudug oo uu ka kooban ayahay maamulka Galmudug  sidatan:

  1. Taageero Maamul: 3 Miljan
  2. Dib u dhis wadada isku Xirta Gaalkacyo iyo HOBYO: 28 Miljan Doolar
  3. Waddo Xeebeed la hergelinayo HOBYO: 3 Miljan Doolar
  4. Sahaminta Dhismaha Dekedda HOBYO: 1 Miljan Doolar
  5. Koronto gelin Magaalada HOBYO: 2.5 Miljan Doolar
  6. Dhiirigelinta Kallumaysiga oo laga samaynayo HOBYO: 1.5 Miljan Doolar
  7. Sahaminta Goob Ganacsiga Xorta ah ee HOBYO:0.5 Miljan Doolar
  8. Biyo gelinta Cadaado: 6 Miljan Doolar
  9. Koronto gelin Magaalada Koonfurta Gaalkacyo: 5 Miljan Doolar

 

Gobolka Gobolka Galgaduud gaar ahaan magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo kuwo kale oo badan Waxba ma uusan siin Xasan Sheekh

galmudug-3a

Xasan Sheekh CADAALADIISU waa taas ee Somaliyeey Arag

Hoos ka akhriso Cadaynta ay  Warbaahinta Puntlandes heshay

Sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes waxaa laga qoray oo loogo gudbiyey African Development Bank Shaxdan xafiiska madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ee Villa Somalia, wuxuuna CADAYN u yahay Qoraalkani sida INDHO la’aanta ah ee uu Xasan Sheekh ugu hawlan yahay EEX Qabiil iyo ku Tumasho XUQUUQ ay leeyihiin shacab Soomaaliyeed oo uu sheeganayo inuu madaxweyne u yahay.

Boobka waddada WADAAGSIN ee isku xirta Galdogob iyo Garacad

Lacagtan wuxuu Xasan Sheekh ka weeciyey oo loogu talagalay Dhismaha waddada WADAAGSIN ee isku xirta Galdogob iyo Garacad isagoo u weeciyey Gaalkacyo iyo Hobyo waddada isku xrta.

Dhismaha Dekedda Garacadna wacxa uu Xasan Sheekh u wareejiyey oo u BOOBAY tan Hobyo.

Xasan Sheekh ”Galmudug waa amaan sida Puntland & Somaliland oo wadooyin baa laga dhisi karaa”

Sawirka afraad ka akhriso Xasan Sheekh oo la barbar dhigaya Maamulka Galmudug, (oo aan ka talain inta uu sheeganayo oo ay Alshabaab iyo maamulka Ahlusunna inta badan ka taliyaan Gabol iyo barka uu sheegto), Puntland iyo Somaliland!!CAJIIB

galmudug-3b

Halkana ka akhriso sida Xasan Sheekh u qaybiyey 50 miljan oo Doolar oo loogu talagalay Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabeelle sidatan adaa YAABINE.

Puntlandes.com

 

About The Author