Deg Deg: Qaraxyo iyo Weeraro wada jir ah oo lagu soo qaaday Bartamaha Magaaladda Gaalkacyo

16 2016 (Puntlandes) Waxaa caawa Magaaladda Gaalkacyo gudaheeda ka bilaabatay rasaas iyo Qaraxyo wada socda, kadib markii weerar lagu soo qaaday fariisin ay lahaayeen ciidanka amaanka ee ilaaliyo Suuqa Darxumo.

breaking-news1

Maleeshiyo kasoo jeeda Galmudug ayaa caawa weerar kusoo qaaday, ciidanka ilaaliya suuqa darxo ee magaaladda Gaalkacyo, Kooxdaan ayaa ugu horayntii qaraxyo ku weerartay ciidanka, ka dib ayaa waxaa biloowday weeraro Toos ah.

Kooxda soo weerartay ciidanka ayaa waxaa ay dagaalka ufaafiyeen dhinaca Saldhiga miir, ilaa masjidka Jaamaca ee magaalaadda Gaalkacyo.

Ilaahadda majiraan wax qasaare ah oo lasoo sheegay, iyada oo ay haatan Xabaddii joogsatay, inkasta oo rasas goos goos ah la maqlayo.

Lasoco wixii sookordha.

About The Author