Gaalkacyo: Kulankii gudi xabad joojinta ee labada dhinac iyo xogtii ugu danbaysay weerarkii caawa.

16 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay akhristayaasheeda usoo gudbinaysaa wararkii u dambeeyey ee weerarkii caawa iyo meesha ay marayaan shirarkii u dhaxeeyey Puntland iyo maamulka Galmudug.

img_1660

Xaaladda Magaaladda

Magaalada oo uu caawa ka dhacay weerar muddo kooban socday, oo ay soo qaadeen Maleedshiyo kasoo jeeda Galmudug, kaas oo lagu soo qaaday Ciidanka Amaanka ee Saldhiga Miir iyo Aag ku dhow, isuguna jiray Qaraxyo iyo weeraro mataanaysnaa, oo aan cidina wax ku noqon inta la ogyahay lana Fashiliyey.

Haatan xaaladda magaalada ayaa caadi kusoo noqtay, iyada oo aysan jirin wax rasaas ah oo haatan ka socota goobtii wax ka dheceen.

Kulankii Guddiyadda ee Galabta.

Galabta waxaa kulan yeeshay gudiga xabad joojinta labada dhinac oo ka koobnaa 18 xubnood oo labada dhinac ah, waxaana laga wada hadlayey sida ugu haboon ee xabadda loo joojin karo.

Puntland: waxay soo jeediyeen in loo baahan yahay in Ciidanka lakala fogeeyo, si ay xabaddu ujoogsatto, sidaa darteedna waxa ay soojeediyeen, in ciidankasta 2km gadaal loo raro, wada xaajoodku dhamaanayo.

Galmudug: waxay soo jeediyeen in Ciidamada gabi ahaanba magaaladda Gaalkacyo iyo agagaarkeeda laga Saaro, guud ahaan Ciidamada Gurmaddka ah ee Puntland keentayna, Magaalooyinkoodii lagu celiyo, kuwa kalana xeryahooda lageeyo.

Intaas kadib ayaa kulankii soo xirmay, ka dib markii la isku fahmi waayey sida Ciidanka loo kala qaadayo, waxaana ay labada guddi soo kala tageen iyada oo aan wax Natiijo ah laga gaarin.

Dagaalka Caawa.
Dagaalka caawa ayaa ahaa, mid qorshaysan oo ay soo diyaariyeen Galmudug, waxaana loogu tala galay in lagu da dajiyo sidii uu dagaal uga qarxi lahaa bartamaha magaalada Gaalkacyo.

Maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, ayaa Baasukayaal huwiyey Ciidanka, ilaalada amaanka Puntland, kadibna waxaa ay u carareen dhinaca xaafaddooda Baraxleey, qorshaha ayaa ahaa in ay ciidanka Puntland Daba galaan, kadibna ay isku dhcaan Ciidanka ilaalada Bakhaaradda iyo Suuqyada ee Galmudug iyo kuwa Puntland, si dagaalku u balaarto.

Hase yeeshee Ciidanka Puntland oo ka fal celiyey weerarkii lagu soo qaaday, misna wax weerar iyo dagalid ah ma aysan samayn, sidaas ayuuna ku bur buray qorshahoodii, ahaa in ay magaaladda gudaheeda ku dagaalamaan.

About The Author