Cadaado & Jowhar oo lagu doortay Agaasimaha Madaxtooyada Xasan sheekh & kuxigeenkiisa

16 2016 (Puntlandes) Magaalada Jowhar ayaa waxaa maanta Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare loogu doortay Agaasimihii Madaxtooyada Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo uu dirsaday Xasan Sheekh si uu ugu Codeeyo.

232-1b3

Doorashada la sheegay in ay ka dhacday magaalada Jowhar ayaa waxaa kaloo kusoo baxay Faarax cabulqaadir, Wasiirka Amniga DFS C/risaaq cumar, C/laahi Sanoloolse iyo Khadiijo Maxamed Diiriye oo dhamaantoon ka tirsan Garabka madaxweyne Xasan Sheekh.

Qaarkood xubnahan lalama tartamin sida uu qabo Xeer ku sheega Doorashada dadban.

Dhanaka kale Doorasho iyana la sheegay inay ka dhacday maanta magaalada Cadaado ayaa waxaa ku soo  baxay Agaasime ku xigeenka madaxtooyada Xasan Sheekh Saadaq Cabdkariin.

Doorashadani waxay ka dhigan tahay in ay sii kordhayaan xildhibaanada kuraasta ka helaya Aqalka Hoose ee sida weyn u taageersan dibna usoo dooranaya Madaxweyne Xasan Sheekh.

Puntlandes.com

About The Author