Gaalkacyo: Kulankii ugu xasaasisanaa oo galabta ka dhacay Gaalkacyo (Xog)

17 2016 (Puntlandes) Dadaaladii lagu doonayey in la isugu soo dhaweeyo labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug, ayaa haatan waxaa ay yeesheen waji cusub, kadib markii ay is fahmi waayeen guddigii xabad joojinta inay ka shaqeeyaan loo xilsaaray.

img_1643

Garoonka diyaaradaha ee C/lahi yusuf International Airport, ayaa galabta waxaa ka dhacay kulan ay yeesheen madaxweynaha Dowladda Puntland, madaxweynaha Galmudug, Raysay wasaarada DFS, xubin matalaysay QM oo wakiil u ah Michael Keating, Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland Jen. Siciid dheere iyo Gen. Qaybdiid.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in kulankii galabta oo qaatay muddo saacad ah lagu lafa gurayey sidii ugu yaraan loo xoojin lahaa xabad joojinta loona fali lahaa Qariirad wada hadala oo dhamaystiran.

Kulankaan ayaa waxaa ay madaxdu ka doodeen sida ugu macquulsan ee xabadda lagu joojinlahaa, waxaana ay isla garteen in la hir galiyo nidaamkii kala durkinta Ciidamada, iyada oo loo marayo wado isu soo dhawaynaysa laba dhinac, taas oo ay labada dhinac isla fahmeen ugu danbayntii, hase yeeshee aan wali lasoo bandhigin.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in labada Madaxweyne ay caawa kulamo la leyhiin saraakiisa Ciidamadamadooda, si ay ugala tashadaan qaabkii la isu waafajin lahaa nabadda iyo tabashada dhinacyada.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa warbaahinta Puntlandes u xaqiijiyey, in haatan ay muuqato san saan isu soo dhawaansho, ayna suura gal tahay in guulo laga gaaro wada hadalada haatan biloowday.

Maalinka bari ah ayaa la filayaa in ay madaxdu yeeshaan kulan labaad, kaas oo diiradda lagu saari doono sidii loo hirgalin lahaa, qodo badii laga wada hadlay caawa.

Weerar Xalay lagu soo qaaday saldhiga miir, oo khal khal galiyey xabad joojin aan caga badan ku taagnayn, ayaa kulanka looga hadlay, iyada oo ay madaxda Galmudug sheegeen, in ay weerarkaas ka danbeeyey koox dhalinyaro ah, oo ka caraysnayd raashin loo qaybinayey dadka tabaalay oo ay saami ka dalbadeen, kadib ay suuroobi wayday, weerarkaasina uusan ahayn mid ka yimid maamulka Galmudug.

Wada hadalkaan ayaa imaanaya kadib markii ay labada gudi isla fahmi waayeen, qaabka loo wajahayo xabad jiijinta iyo masaafadda lakala qaadayo ciidamada haatan is hor fadhiya.

Lasoco wixii kasoo Kordha Kulamada Danbe.

Puntlandes.com

 

About The Author