(Maqaal) “DOORKA DUMARKA IYO DIIMUQURAADIYADDA”

Qoraa: Maxamed Xareed Axmed

Qoraa: Maxamed Xareed Axmed
Qoraa: Maxamed Xareed Axmed

Waxaan ku kaalmaysanayaa magaca Eebbe wayne, nabigeena subban nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaato.

Maqaalkaan  waxuu ka hadlayaa dhaqan gelinta hannaanka diimuquraadiyadda ee waddammada reer Galbeedka iyo doorka haweenka reer Galbeedka iyo kuwa Soomaalida ee siyaasadda iyo tirade ay ka yihiin baarlamaanada dalalkooda iyo xiriirka dhaqanka Soomaalida iyo diimuquraadiyadda iyo talo bixin.

Doorka Haweenka reer Galbeedka iyo kuwa Soomaalida ee siyaasadda iyo tirade ay ka yihiin baarlamaanada dalalkooda

Sida aanu wada ognahay kulamadii u danbeeyay ee  madasha wada tashiga Qaran ee Soomaaliya waxaa ka soo baxay qodobbo badan oo uu ka mid yahay qodob dhahaya dumarka Soomaalida waa in ay helaan qoondo ah 30% labada aqal.  Ma xuma  in dumarka Soomaaliyeed ay helaan qoondo fiican sabab dumarku waxaa ay door muhiim ah ka qaateen halgankii xornimada iyo waliba samata bixintii dalka Soomaaliya intii ay socdeen dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya.

Sidaas oo kale waxaa ay laf dhabar u yihiin jiritaanka ummadeed ee dadka Soomaalida ah waxa ay na ku dhex lee yihiin sharaf iyo cisi. Haddii aan idin xasuusiyo haweenku waxa ay ka mid yihiin sababaha keeni kara in umadi is jeclaato ama kala tagto oo ay dagaalanto sidii horay u dhici jirtay .

Aan u soo laabto mawduuca maqaalka ee maxay tahay sababaha  ay reer Galbeedku u hor boodayaan in dumarku helaan qoondo gaar ah oo dhan 30%?

  1. In la baddalo dhaqanka suubban ee ay lee yihiin dumarka Soomaalidu
  2. In la baddalo guud ahaan sawirka Soomaaliya ee ku saabsan xagga ku dhaqanka diinta
  3. In aysan helin caruurta Soomaaliyeed ee yaryar xanaanadii iyo koritaankii maskaxeed oo ay ka heli lahaayeen hooyooyinkooda ka maqan guriga
  4. In ay Soomaalidu u burburaan qoys ahaan madaama uu imaan karo tartan iyo kala amar qaadasho la’aan haddii ay hooyadu dareento in ay leedahay xasaanad ay dheertahay saygeeda ama ku la simantahay.

Ma ku la tahay in Soomaaliya ay ka horrayso dalalka ugu waawayn ee reer Galbeedka dumarka ku jira goleyaasha kala duwan , dalalkaas oo ah kuwa u ololeeya xuquuqda siyaasadeed ee jinsiga iyo diimuqraadiyadda aysan na lahayn dumarkoodu qoondo gaar ah? Halkaan waxa aad ku arkaysaa baarlamaanada dumarka ah ee ku jira dalalka reer Galbeedka iyo Soomaaliya oo aan is barbardhig ku sameeyay.

  1. Soomaaliya:…    30%
  2. UK:……………..   3%
  3. Canada:……….   25%
  4. USA:…………..    20%

 Dhaqanka Soomaalida iyo Diimuquraadiyadda

Dhaqanka Soomaalidu waa dhaqan wanaagsan oo salka ku haya  diinta Islaamka. Sidaas oo kale waxaa jira meelo ay isaga eg  yihiin dhaqanka Soomaalida iyo diimuquraadiyaddu sida garnaqsiga, tanaasulka iyo ku kala bixidda sharciga. Tusaale waxaa u ah in ay Soomalidu lee dahay qaybo ka mid ah diimuquraadiyadda. Dhacdo ayaa hadda ka hor ka dhacday deegaanada Soomaalida. Nin ugaas ahaa  ayaa ka hor yimid danihii beeshii ku caana shubatay, waxaa uu na u iishay dhinicii gumaystaha waxaana dhacday in ay beshii uu u ahaa ugaaska ay ka shireen arrinkiisii, ka dib na ay u saareen guddi, guddigaas oo dhammaantood u codeeyay in ugaaska la casilo. Maalintii golaha la isugu yimid warbixintii laga rabay waxa ay ku soo bandhigeen gabayo. Gabayadii maalintaas la tiriyay waxaa ugu caansan gabay la yiraahdo “Sinaan’’oo uu tiriyay abwaankii caanka ah ee Saahid Qamaan.,

  • Hadday sado macaan tahay ninkii maadiyaa cunaye
  • Nin mudmudey dharkayn hoosna maray murux inshaalleeye
  • Miyir waxaad ku weydaan iswaal kuma mahiibtaane
  • Muslim kuma cabiidsamo wallaan madaxa kaa goyne
  • Muggi weel ma dhaafo e Allow mooska yaan jebinin
  • Mitan kalena waa iniga iyo mid iska sheeggayga
  • Hadday muruqa geeduhu go’aan milayga jiilaalka
  • Mahwiga ceel haddii loo kacoo maalku ku arooro
  • Mataan waa ka qaybsada tolkii midha wadaagaaye
  • Magansiin haddaan laygu siin maax la dhuranaayo
  • Inaan malab rag kale loo shushubi wax uga miideeyo
  • Oon meesha taagnahay anoon muradna leefeynin
  • Oon weliba mood iyo salaan ula maleegnaado
  • Oon maydhax aan igu xidhnayn mayllimo u qaato
  • Saddex magac Allee xaajadaa layma marinsiiyo.

 

Gabogabo iyo Talo bixin :

Sidii aan kor ku xusay diimuquraadiyaddu waxaa ay lee dahay dhib iyo dheef labadaba waana arrin Rabbaani ah in wax kasta ay lee yihiin wanaag iyo xumaan laakiin waxaa la ga ma maarmaan ah in aanu xeeladaysano baahiyaheena bulsho annaga oo aanan ku xadgubayn shareecada Islaamka iyo dhaqanka suubban ee aanu lee nahay kaas oo ah mid aanu dheernahay bulsho weynta Afrikada kale.

Sidaas oo kale waa in aynu is waafajinaa inta aanu uga baahanahay diimuquraadiyadda iyo inteeda wanaagsan ee la qaadan karo oo aan xadgudubka ku hayn shareecada Islaamka.

Qodobbada inta badan doodda dhaliya ee  ay lee dahay diimuquraadiyaddu sida jinsiga, kala doorashada go’aamo saamayn ku leh nolosheena waa in aynu u celinaa Shareecada Islaamka oo  aanan uga dayan dalalka Galbeedka madaama aanu isku dhaqan , diin iyo baahi mid na ahayn.

Waa in aysan diimuquraadiyaddu iska hor keenin qoysaskeena ee aanuna fahanaa in aan ka dhaqan iyo diin duwanahay bulshada riixda dhaqangelinta Diimuquradiyadda. Tusaale, gabadha Kiristaan-Maraynka ah iyo tan Soomaaliyeed ee Islaamka ah isku dan ma ahan, isku qiyam iyo sharafna ma ahan.

Tan Soomaaliyeed waa in ay xusuusataa shareecada iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed kuwaas oo ilaaliyay siiyayna xuquuq badan oo aan la inkiri karin lana xaqiri karin; guusha aakhiro iyo tan adduun na waxa ay ku xiran tahay sida aanu u qaadano Shareecada Islaamka.

 

WQ: Maxamed Xareed Axmed

Emai: Hareed1990@gmail.com

 

About The Author