Gaalkacyo: Xabad joojintii iyo kala qaadista Ciidamada oo lagu guulaytay (Sawirro)

Magaaladda Gaalkacyo oo maalmahaan kasoo kabanaysay, colaad aan 25sano soo marin iyo xabad gaar mudadii ugu badnayd.

Kulan dag dag ahaa oo ka dhacay garoodnka diyaarada ee c/lahi Yusuf, ayaa shalay lagu gaaray go’aan lagu doonayo in lagu qaboojiyo xaaladda gaalkacyo, laguna kala qaado ciidamada labada dhinac ee is hor fadhiya.

Gudigii xabad joojinta oo gaaray goobaha la isku hor fadhiyo, ayaa soo raray ciidamadii Puntland, oo la keenay goobo loo asteeyey oo la isla gartay, iyaga oo ka dibna utagay ciidaka Galmudug, si iyagana u geeyaan meelihii loo asteeyey.

Laba urur oo ka mid ah ciidanka Galmudug, ayaa diiday in ay usoo galaan Wafdigii Raysal wasaaraha iyo madaxda Galmudug, halkaas oo ay rasaas kala horyimaadeen, in kasta oo markii danbe lagu guulaystay in la fahansiiyo ujeedka rasmigaa.

Ugu danbayntii waxaa lagu guulaystay, in lakala durkiyo ciidamada, madaxda Puntland iyo galmudug ayaa iyaguna galabta kor meeri doono jiidaha ciidanla.

Sawirro. (lasoco goordhow Sawirada Madaxweyne Gaas oo booqanaya jiida hore)

15094523_10154733375194579_4660042263560247812_n 15085523_10154733375314579_7999033557994738496_n 15079036_10154733374929579_3051206840345975349_n 15078760_10154733374679579_4841099115054852042_n 15078536_10154733374544579_3353703141201375313_n 15036645_10154733374999579_1045828914343210116_n 15027740_10154733374809579_3190247634110340658_n

About The Author